Qabashada sharciga baalmarsan ee weriy eya asha Idaacadda madaxa banaan ee Radio Horyaal
 

Sida ay ku caan baxday, xakuumadda Rayaale ee sharci darrada iyo  xu kun maroorsiga ku fadhiga ayey caado u tahay caga juglaynta iyo  cab udhinta shacbiga Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaa u tamar  bad an xasarad abuurka iyo ku tacadiga ummaddii u dooratay in ay wax u  qa btaaan. Mar walba oo ay qaawanaato aafaadka ka dhasha talo  xum ada talo xumadooda, ayaa xukuumaddu isku daydaa in ay ku qariso caga  jugl ayn iyo qiiq ay ka aloosto meel aan cudurku oolin.

Waxa la yidhi baribaa nin yari ku yidhi mid isaga ka weynaa oo sagagar ahaa, waar nacas baad tahay. Sagagarkiiba innta uu xanaaqay ku tuntay kii yara. Ninkii yarabaa iska gacay isagoo hardoofooyin qaba, markaasuu ku yidhii kii weynaa ee nacaska ahaa. Jiroo aniga i dishay oo iga  xoogwey nid, walleese fariid kuma noqotid. Xukuumadda Rayaale ee sida qaldan ugu adeegsata dadka xooggii iyo awoodii Dawladnimo ee loogu talagalay in ay dadka iyo dalka ku ilaaliso, ku fariidoobimayso ku tumashada  shac biga aan waxba gaysan.

Wax qabad u noqonmayso cubudhintaa saxaafaddu. Dhibaatooyinka  Som aliland ka taagan, oo ay ku jirto ta labadan shacab ee walaalah ah ee  Ce elbardaale la iskaga horkeenay, waxa ka mas’uul ah Daahir Rayaale iyo inta u adeegta. Dhalinyarada tabaruca ku shaqeeya ee Radio Horyaal, kuwa Haatuf, kuwa Jamhuuria iyo weriyeyaasha kale ee Somaliland kama mas’uul aha. Haddii ay xumaanah xukuumaddu maleegto dadka u sheegen denbi may gelin, ee waxay guteen oo u hayaan ummadda shaqo qaran oo aad u qiimo badan.

Waxaanu xukummadda Rayaale ka codsanaynaa in ay suxufiyiinta Radio Horyaal ee sharci darada lagu qafaashay xorriyadooda si dhakhso ah ugu soo celiso. Waxaanu xukuumadda ka codsanayna in ka waantoowdo in ay u dhaqanto sida sagagarkaa inan ka yar ku tuntay!
 

 


Ahmed H Nur

Radio Horyaal International Spokesperson