Qaar kamida Cuqaasha iyo odayaasha Gobolka Saaxil baaq xukumada jahaysan iyo digniin nabadeed soo saaray
 

 


Cuqaashan iyo odayaashan oo kulankooda dulucdiisa koowaad aheyd baaq ay u dirayaan xuk umad Somaliland

Berbera (TNN)-Qaar kamida cuqaasha iyo odayaasha gobolka saaxil ayaa maanta fadhi ay isu gu yimaadeen kaga warmay xaalada guud ee uu wakhti xaadirkan ku sugan yahay gobolka s aaxil,iyaga oo sheegay in Doorashadii golaha deegaanka ee 28.11.2012 ka qabsoontay gobol ka saaxil iyo degmooyinkiisa ay si Nabad galyo ah oo xalaala udhacday,doorashadii duqa degm ada iyo kuxigeenkiisiina si sharciga waafaqsan ugu codeeyeen xubnaha golaha deegaan ka ee cusubi, gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka saaxilna goob joog ka ahaa, waxaanay cuqa ashaa iyo odayaashaasi hambalyo ku aadan qaabka doorashadaa fartaaga ah ay ugu codeey een xildhibaanada deegaanku udireeen xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada berbera,

Cuqaashan iyo odayaashan oo kulankooda dulucdiisa koowaad aheyd baaq ay udirayaan xuk umad Somaliland oo ay sheegeen in ay faragalin iyo xaalad abuur ka wado gobolka saaxil ayaa waxay xukumada ugu baaqeen in ay xasiloonada shacbiga ay masuulka ka tahay ilaaliso wax kasta oo iska hor imaad iyo xaalado isku dhac oo bulshada wada nool dhexdeeda keeni karana ay ka feejignaato.

Cuqaashan yo odayaashan ayaa waxa kamid ahaaa Chief Caaqil Xassan Shaqale Maxamuud, Chief Caaqil Cabdi Maxamed Cigaal, Caaqil Cabdi Siciid Maxamed,Caaqil Cabdi Xirsi Dhuux yare,C aaqil Cabdi maxamed Geele(Caaqil Boos),Caaqi Baashe Yuusuf iyo oday Cismaan Jaamac Cige.

Waxaana cuqaashan iyo odayaashan afhayeen u ahaa oo qoraalka ay baaqa iyo hambalyada is huwan ku dirayaan u akhriyay Chief Caaqil xassan Shaqale Maxamuud waxaana hadaladiisii kamid ahaa”Ilaa iyo maalintii ay fadhigooda koowaad yeesheen xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka Degmada berbera ee ay ku doorteen Duqa degmada berbera Cabdishakuur Maxa mud Xassan(Cabdishakuur Cidin)iyo kuxigeenka duqa Baashe cabdillahi Ibraahim(Yacquub) waxa dhinaca xukumada dhexe ka soo baxayay faragalin ay ku hayso golaha deegaanka ee degmada berbera loo soo doortay faragalintaasi oo ah mid ay xukumadu ku doonayso in ay golaha iyo doorashadda fartaaga ah ay dano ugaara uga faa,iidaysato iyada oo aanay meel naba sharciga golayaaasha deegaanada dalka kaga oolin in ay xukumada faraha la gasho habka ay xildhibaanadu udooranayaan Maayarka iyo kuxigeenkiisa,anagu haddii aanau nahay cuqaaasha iyo odayaasha deegaanka gobolka saaxil marnaba ma ogolin in wax aan sharcigu jidayn goalaha degmada loo soo doortay lagula kaco,Xukumadana waxa aanu dhawaaq dheer ugu baaqaynaa in ay ka shaqayso maslaxda shacbiga ay Masuulka ka tahay wax kasta oo am niga qaranka iy Jiritaanka Somaliland wax yeelayana ay Xakamayso,an agu hadii aanu nah ay cuuqaasha iyo odayaasha Somaliland waxa aanu hadh iyo habeenba utaaganahay ilaalinta nabad galiyada iyo isu soo dhaweynta shacbiga walaalaha ah ee kuwa da nool gayiga Soma liland waxaana nagu waajiba in aanu taageerno wax kasta oo wanaagsan Nabada iyo xasilo onida qarankan Somalilandnina ay kujirto, waxase haboon oo aanu xaq u leenahay in aanu dhaliilaha jira iyo tubta toosanba aanu xukumada iyo shacbigaba utilmaano, waxa aanu leena hay mar labaad xukumadu yaanay shacbigeeda kala jeclaysan xeerarka iyo sida deegaamada loogu wada noolaana yaanay xukumadu majaraheedii soo jiree nka ahaa ka leexinin dadka iyo dalkana aanay uhorseedin colaado iyo isqabqabsi aan meesha kujiri jirin

baaqan ay cuqaashan iyo odayaashani ku aadiyeen xukumada Somaliland ayaa waxa uu ku so beegmayaa xili ay shacbiga reer berbera ka gadoodsan yihiin xilka qaadistii gudoomiyihii Gobo lka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax mudaharaad galalafay magaalada berbera ka samee yeen saaka shaaracyada waaweyn ) waxaana muuqata in gudoomiye Ramaax laga raacay fadhigii sharciga waafaqsanaa ee ay golaha deeganka degmada berbera yeesheeen isaguna uu gudoominaayay taasi oo lagaga adkaaday xukumad xisbigeedii ayaa iyadu soo qadintay bedelka gudoomiye Ramaax iyada oo uu wasiir kuxigeenka arimaha gudaha qeybta amniguna buuq uu ku guuldaraystay ka sameeyay xaruntii doorashadaa fartaag ahi ka socotay xarunta maamulka gobolka saaxill
 

 


Mohamed Abdillahi Farah (Soo fadhiiste)
Timacade News Desk
Berbera, Somaliland
Soofadhiiste@hotmail.com