Qaar kamid ah Dadweynaha Reer Tog-wajaale Oo Bakhtiyaa Nasiib Qidcado Dahab Ka Helay Iibka Caanaha Anchorta Ee ay dalka Keenaan Shirkada Spot Tarading Company

 



Tog-Wajaale (TNN)-Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool Magaalada Tog-wajaale, ayaa ku guul ey stey in ay ka helaan iibka Ganacsiga Caanaha Anchor xadiyo kala duwan oo ah Qidcado Dah ab ah ,oo ku jira gudaha Caanahaasi iyadoo la sheegay in kombaniga Caanaha soo saara iyo Mu lkiilaha Shirkadani, ay ugu tala galeen Macaamiishooda Caanahaasi ka iibsada.


Hadaba Dadweynaha ku guuleystey in ay bakhtiyaa nasiib ka helaan Gudaha Caanaha Anchort a kamid ah Ganacsiyada Somaliland ee Caanaha daasadaha ee ka yimaada dalka dibadiisa qidca daha Dahabka ah ee Giraamkiisu kala duwan yahey oo u waramay Shabakada Wararka ee  Tim acade News, ayaa sheegay in ay ka heleen Gudaha Caanaha Anchor kadib markii ay ka iibsade en Bakh aarka Gudaha Magaalada Tog-wajaale qidcado dahab ah oo Giraamkiisu kala duwan ya hey isla markaana ay aad ugu farxeen bakhtiyaa nasiibkaas oo sida ay Sheegayaan ah kii u hor eeyay ee noociisa ah oo indhawaale lagu arko Suuqyada Ganacsiga Badeecadaha kala duwan Gudaha dalka Somaliland.

Ayaan Maxamed Ibraahim oo kamid ah Dadweynaha ku nool Gudaha Magaalada Tog-wajaale isl amarkaana, kamid ah macaamiisha joogtada ah ee Caanaha Anchorta ayaa sheegtay in ay ka heshay Qidcad Dahab ah Gudaha Caanaha kaas oo Giraamkiisu dhamaa shan Giraam, Waxaanay Xustey in ay aad ugu faraxdey markii ay heshay.


"Waxaan aad ugu farxey markii aan helay qidacdaa dahabka ah , waxaanan ka helay Xaley uma an iibsan aad Dahab ka heshid laakiin, waxaan marka horeba ahaa Macaamiisha joogtada ah ee Caanaha Anchor nasiibkaa iga siiyay bakhtiyaa nasiibkan Walaahi inkastoon mar maqley hadan a Caanahani jumlad ayaan ku qaataa oo Caruurta ayay u fiican yihiin illaahayna waa isiiyay aad iyo aad ayaan ugu farxey koleyna waxaan dadka Caruuraha leh ku dardaarayaa iyo Tukaanley da ay Xaafaduhu ka iibsadaan Caanahan oo kale in ay ogaadaan oo macmiil la noqdaan Caana ha Anchorta"Ayay Tidhi Ayaan Maxamed Ibraahim oo ah Hooyo aan da, Weyneyn.

Maamulaha Shirkada Ganacsiga Spot In Trading Company ee soo Dajiya Caanaha Anchorta Gaar ahaan Bakhaarada Ganacsiga Tog-wajaale Mustafe Jaamac Siciid oo ka Waramay isaguna Dadw eynaha ku guuleystey Bakhtiyaa Nasiibka ayaa Sheegay in Todobaadkan Gudihiisa ay ku Guuley steen ugu yaraan Toban Qof oo kamid ah Macaamiishooda joogtada u iibsada Badeecada Caana ha Anchor loo yaqaan waxaanu Xusey in ay taasi dhiiri galin u tahey Macaamiishooda oo qiddc ado dahab ah oo Giraamkisu kala Sareeyo ka helayay maalmahanba ay kutalagalkeedu tahey mid ay kawada Socdaan Mulkiilaha Shirkada Spot ee Somaliland keenta Caanahan Anchorta ah Idiris Cumar Ibraahim oo dedaal badan ugu jira sida uu Sheegay in uu Mcaamiishiisa Caanaha Anchorta raali galin badan Siiyo.

"Walaahi waxa la sheegayay in ay jiraan Dadweyne ka mid ah Macaamiishayada oo helay Qidc adahan dahabka ah giraamkiisu mid uu yahey boqol giraam laakiin anagu hada intaanu aragney todobaadkan waa Toban qof oo ka u badani helay laba iyo labaatan Giraam kolay waa mid aad u fiican oo Qofkii oo ismoog ayaa ka helaya Walaxahan dahabka ah markaas farxada uu ku far xo oo kaliya ayay Duco badani ka dhaceysaa iyadoo sida kalena ay Macaamiishadayadu aad u fiican tahey"Ayuu yidhi Maamulaha Bakhaarka Tog-wajaale ee Shirkada Caanaha Anchorta kee nta Dalka Somaliland Mustafe Jaamac Siciid(Mustafe-Anchor).

Sikastaba ha ahaatee Magaalada Tog-wajaale ayaa aad looga hadal hayay Shaley ilaa maanta Barnaamijkan Bakhtiyaa Nasiibka ah ee ah kusoo Kordhay Caanaha Anchorta oo laga helayo Qi dacdo dahab ah oo ay ka heleen inta la ogyahey hadu in ka badan Tobaneeyo Qof oo qaarko od yihiin dad danyar ah oo kamid ah Macaamiisha Caanaha Anchorta.
 

 

Timacade News Desk
Tog-wajaale,Somaliland