Qaar ka mid ah waxgaradka Gobolka Salal oo sheegay in aa nay salaadiinta Awdal la qabin canbaaraynta xukuumada

 




 

Hargeysa September 28, 2010 (TNN)- Qaar ka mid ah Cuqaasha, Xildhibaanada, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka beesha Degta deegaanka Salal oo shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay aanay la qabin canbaaraynta ay salaadiinta Gobolka Awdal u soo jeediyeen Xukuumada Talada dalka haysta oo ay ku eedeeyeen inay xilkii ka qaaday Taliyihii ciidanka  Qara nka ee Gobolada Awdal iyo Salal.


Xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud (Jirde) oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Guurtida Somal iland oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in aanay beeshiisu la qabin canbaarayntaasi ay  salaa diinta Gobolka awdal u jeediyeen xukuumada, waxaana uu tilmaamay inay shaqadooda tahay Ma amulka iyo inay cid magacawdo, cidna bedesho isla markaana ay tahay waxyaabaha loo doortay Xukuumada.
 

Caaqil Bayle Xasan Cawaale oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo u diray Xukuumada Ax med Siilaanyo waxaana uu xusay in xukuumada ay ku garab taagan yihiin go’aankaasi maadaama ay shaqadeeda tahay, waxaana uu tilmaamay in taliyaha la badalay uu yahay nin walaalkood ah balse ay xukuumada mar kasta gudanayso waajibaadkooda loo doortay.
 

Caaqil Muuse Jaamac, Siciid Axmed iyo Maxamuud X. Cali xasan oo iyaguna halkaasi ka hadlay ay aa sheegay in aanay beeshoodu lahayn wax Suldaan ah,  isla markaana ay mar walba ka madax banaan yihiin Gobolka Awdal iyo Salaadiintooda labada, waxaanay xuseen in guud ahaan  beesho odu ay si wayn u taageersan yihiin xukuumada talada haysa.

 

 

Source:Horn Cable TV