Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Wajaale Oo Sheegay Inay Ka Cabanayaan Taliyaha Saldhiga Bileyska Gabiley

 


Anaga oo ka mid ah ganacsatada reer Wajaale ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, ayaa wax aanu ka cabanaynaa taliyaha Saldhiga Gabiley Baashe Aw dheere, isla markaana og in inay  gaab is tahay shaqada Bileyska ee Gabiley guud ahaan oo aanay waajibaadkooda booliisnimo ugu  ade egin ummada si daacad ah, ayaanu si gaara isaga uga cabanaynaa Baashe Aw dheere.


Hadaba waxa jirtay ilmo yar oo jiray 20 habeen ayaa laga xaday qoys dan yar ah oo Wajaale  de gan ku dhawaad lix bilood ka hor, iyadoo ay ugu xidhan yihiin Jeelka Gabilye saddex dumar ahi, a yuu Baashe aw dheere wuxuu lug iyo faras-ba u fuulay siduu u baabiin lahaa kiiska intaas leeg ee marnaba u gaadheen garsoorka, isaga oo taageeraya dhinac ka mid ah dhinacyada arrintu  khus ayso oo ay qaraabo dhaw yihiin, isla markaana uu ugu adeegayo si qaawan oo ka arradan milgaha Boolisnimo iyo masuuliyada uu u hayo qaranka.


Ugu dambayntii waxaanu si qadarini ku jirto uga codsanaynaa taliyaha Booliska Somaliland iyo h ay’adaha kale ee ay khusayso inay ninkaa ka qaadaan talaabada ku haboon, anaga oo ka  digay na inaan dirayska iyo masuuliyada loo adeegsan dano gaara iyo qaraabo-kiilnimo, balse loogu ad eego ummada si siman oo cadaalada. ah


Qaar ka mid ah magacyada ganacsatada reer Wajaale oo kala ah sidan:-


1. Axmed Cabdi Aadan
2. C/rashiid Maxamed Ducaale
3. Maxamed Ibraahin
4. Xasan Cabdi Faarax
5. Axmed Jaamac Maxamed
6. Kayse Axmed Xaashi
7. Cabdi Axmed Geele
8. Axmed Faarax Guuleed
9. Maxamed Aadan Jaamac

 




Suorce:Haatuf