Qaar Ka Mid Ah Cuqaasha iyo Guddiga Degmada Maxamuud Haybe Oo Beeniyey Warar Wargeyska Waaheen Ka Qoray
 

Hargeysa(TNN):- Qaar Ka Mid Cuqaasha, Odayaasha, Culimo Awdiinka iyo Guddiga Degmada  Max amuud Haybe ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaan waxba ka jirin war sheegaya in  Xaa fadda Calaamada ee Degmadaas, gaar ahaan Huteelka Star lagu ururiyo dhalinyaro loo diro  Xoo g agga Islaamiyiinta sheegta ee ka dagaallama koonfurta dalka Soomaaliya, si ay gacan u  siiya an,isla markaana dagaalka ugala qayb galaan, kaasoo Wargeys ka mid ah kuwa Hargeysa ka soo baxaa baahiyey.

Odayaasha iyo Cuqaasha degmada Maxamuud Haybe oo shalay gelinkii dambe shir jaraa’id ku qa btay Hotel Star ee magaalada Hargaysa, ayaa ka hadlay War uu baahiyey Wargayska Waaheen, kaas oo ahaa bay yidhaahdeen Hotel-ka Star waxa uu fadhiisin u yahay oo lagadiraa  shaqsiyaa dka taabacsan Ururka xag jirka ah ee dagaalka hubaysan kula jira Dawlada ku meel gaadhka ee Somalia, hase yeeshee waxa ay Guddida Degmadaasi ay warkaas ku tilmaameen mid lagu meel ka dhac kuah bulshada ku dhaqanka degmada Maxamuud Haybe, goobta ganacsi ee uu Wargaysku magacaabay iyo guud ahaan qaranka Somaliland.

Guddoomiye ku 1aad ee Guddida beesha Ciidagalle Axmed Cismaan Cadda-gude oo shirkaa jara a’id ka hadlay ayaa sheegay in aanay ka hadhayn Warka uu baahiyey Wargayska Waaheen oo ay daba geli doonaan meesha ay ka keeneen, isla markaana waxa uu haya’adaha amniga ka  cod sadeen inay talaabo ka qaadaan Wargayska Waaheen oo uu Guddoomiye ku xigeenku sheegay inuu meel ka dhac iyo gardaro badheedh ah uu kala kacay bulshada waynta ku dhaqan daanta koonfureed ee magaaladda Hargaysa, gaar ahaan Degmada Maxamuud Haybe.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee guddida beesha Ciidagalle waxa uu sheegay in beeshani ay xil ligii halganka xoraynta dalka ay qayb lixaad leh ka soo qaadatay, isla markaana ay tahay tiir ka mid ah tiirarka ay Somaliland ku taagan tahay, taas oo ay sheegeen in aanay marnaba waxa uu Wargayska Waaheen baahiyey aanay ka suurto gelin, isla markaana waxa ay beeshani heegan u tahay adkaynta nabadgalyada shacbiga reer Somaliland oo aanay jeclayn cid dhibaato u hor seedda.

“Halgankii dheeraa ee dalkan loo soo maray in Wiil yar oo qallin sitaa uu burburiyo ama uu ka sha qeeyo wax beelaha walaalaha iska hor keenaya,markaa waxaanu u aragnaa in meesha ay wax kale ku jiraan oo laga faa’iidaysanayo Xukuumada cusub ee aan wali salka dhigan. Haya’adaha A mniga waxaanu ka codsanaynaa inay talaabbo sharciga waafaqsan oo laga qaado oo la waydiiyo warka uu Degmada Maxamuud Haybe iyo Hotelka Star ka baahiyey meesha uu ka keenay, hadii kalena waajibaadkiisa la mar siiyaa.” Axmed Cismaan Cadda-gude. Sidoo kale, Caaqil Cabdirashiid Maxamed Jaambiir oo isna shiraa ka hadlay ayaa sheegay in aanay degmo ahaan warkaas ka ha dhayn ee ay ku eegayaan hay’adaha nabadgalyada dalka, hase ahaatee, haddii ay wax ka qaban waayaan ay degmo ahaan la xisaabtamayaan oo aanay cidna uga habran doonin cidda warkaa ka baahisay. Caaqilku waxa uu intaa ku ladhay inaanay Beel ahaan iyo Degmo ahaan toona ku d haqaaqi karin arrimo Qarannimada Somaliland lid ku ah. Waxaanay dhammaan xubnihii shirkaa ja raa’id ka hadlay ay iska daba-mareen in meel lagaga dhacay sharaftii, karaamadii iyo waddaniya ddii Degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa iyo dadka ku dhaqan.

Source: Togaherer