qaaciidada 4.5 qaybsasho aanay fahmin somaliladerku
 


qaaciidada 4.5 waa qaybsi ku dhisan qaab aan si cilmiyaysan loo galin waa yaab iyo yaabkiisa inaad laabta ka doonto wax aan daniba kuugu jirin aduunyadan sadbursiga laga ordaayo ee nina aanu rabin inuu cadquudhsiga qaato ayaad mooda in kutlada soomaaliowayn aaaminsan ay ku niyad san yihiin qaaciidada 4.5 ka

qaaciidada 4.5 waatan qaabka ay u dhisan tahay
afar qurus oo waawayn iyo nus ay qaateen dadka laga tirada badan yahay[ama aan hubaysnayn]
1. beesha hawiye
2. beesha raxanwayn
3. beesha daarood
4. beesha dir waxa lagu sheego
5. iyo nus loo qorsheeyay beelaha aan hubaysanyn[ bilaa awooda ah]

hadaba quruska afraad waxa lagu sheego dir waa sida hoos ku qoran
1-dir waqooyi iyo
2-dir koonfureed
--dir koonfureed waa beelaha sheegta dirka iyo biyo-maalka iyo qaarkaloo badan
waxay qaadanayaan qayb ka mida quruska loo qorsheeyay waxa lagu sheego dir
--dir waqooyi waa beelaha isaaqa- gadabuursi iyo ciise waxay qaadanayaan
qayb ka mida quruska loo qorsheeyay waxa lagu sheeego dir
taa macnahedu waxa weeye in reer somaliland ay isku qabsadaaan qurus yar
oo cadquudheeda oo sadex meelood mid waliba qayb yar gees ula cararo
ilayn marka labadii dir kala qaybsadaan quruskii waynaa ayay hadana dir waqooyi
isku sii qabsanayaan quruskii dir waqooyi ayagoo ukala baxaya isaaq-gadabuursi.ciise

Marka is waydii bal waxa aad ka noqonyaso soomaaliya hadaad la midawdo
bal is waydii marka sadex qurus oo waawayn oo kala ah . hawiye--daarood iyo
raxanwayn ay kusoo hor fadhiistaan.
Raga u hanqaltaagsan siyaasada koonfurta iyo soomaaliwayn waa inay noo sheegaan
oo noo cadeeyaan sababta ay noogu qasbayaan meel aanad awood ku yeelan karin
Raga raba soomaaliwayn ma dantooda iyo kursi la siiyo ayuunbay ka fikirayaan
maxay tahay sababta ay u rabaan soomaaaliwayn iyo cadquudheedka.

Soomaaliya waxay ahayd laba state oo isku tagay kuna bahoobay dawladnimo
inkastoo aan wax shuruuda la wada galin hadana sida taariikhda ku cad
waxaynu ahayn laba wadan oo isu tagay.
somaliland ayaa xornimada hor qaadatay kana qaadatay gumaystihii ingriiska
ka dibna waxa maalmo dabadeed xornimo heshay soomaaliya oo talyaaniga ka hoos baxday
taa macnaheedu waxa weeye hadii la soo hadal qaado in la midoobo ama laysku soo noqdo
in ay yihiin laba dal oo qaybsiga awooda maamulka kala qaybsan doono.
balse raga soomaaliwayn u ololeeya taas ma aaminsana indhahooduna ma arkaan

gabgabadii
Ayadoo aanay waligeed dhacayn inta madaxyagu saan leeyahay in koonfur wax naga dhaxeeyaan
ama soomaaliwayn aanu mar kale la midawno.
Aanagoo ogsoon horumarka aanu gaadhnay iyo awooda aanu leenahay iyo dhismaha balaadhan
ee dalkayagu ku talaaabsaday maxaa ii haya meel laysku dilaayo oo maatada lagu cunaayo
inaan la bahoobo.


muxuu yahay saarka ii haya xabad iyo dagaal , horaan usoo arkay dagaal iyo dhib waxay tahay
ayadoo laygu qasbo dagaal oo colaad layla yimaado ama dalkayga la soo weeraro mooyee
maxaa iiga gidhiisha wixii isdilaaya maan jiqilkayga dheeraysto oo casiirka nafis ku cabo.
tolow ragan raba soomaaliwayn miyaanay wararkana ka daawan telefishenka iyo idaacadaha
miyaanay arag dhibka baahay ee ka jooga xamar iyo dhiiga qubanaaya
xageebay rabaan in ay la midoobaan ama dawlad ka dhisaan.
taas macnaheedu miyaanu ahayn mayee way arkaan waanay la socdaan xaalada koonfurta
balse ayagu kaliya waxay ilaashanayaan dantooda oo ah in wasiir laga dhigo oo maalinba
dal uu ka dego lacag badana jeebka ku shubto.
reer soomaliland waxaan leeyahay waaaar aynu u ducayno walaalaheena koonfur
laakiin yaynaan waxba ku darsan oo bartaa aan kala joogno raga wixii u hamuun qaba
muufadii iyo saliid macasaridiina waxaanu leenahay waanu idiinka soo iibin doonaaye
halkiina iska fadhiya hadii niikadii gabdhaha aad rabtaan taana fasax ayaanu idinsiin
doonaa maalmo aad ku soo daawataaaan ama ku soo dheeshaan cayaartii niikada iyo durbaanadii
wabilaahitawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen12@mail.com
london