"Reer Puntland waxaad ku daba-feesheen nin aan idinkana arxan idiin aheyn, ummad kale arxan u aheyn, dantiisa qaaska ah oo guracan oo qabiilka madax ka maray...`` Siciid C/fataax Ibraahim
 


Siciid C/fataax Ibraahim oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka, waxna ka dhigta Jaamacad ku taal magaalada Dallas ee gobolka Texas, ayaa u soo jeediyey waxgaradka ku dhaqan gobolada Puntland & Issimada in ay la gudboon tahay in ay mowqif cad iska taagaan joogitaanka Cabdullaahi Yuusuf ee deegaanada Puntland, haddii aaney arrintaasi si taxadar leh uga fiirsanna ay cawaaqim xumo danbe ku yeelan doonto, wuxuuna xusay in dembiyadii uu Cabdullaahi Yuusuf ka galay ummadda Soomaaliyeed ay mowqif cad ka istaagaan oo aaney qabiil ku soo dhoweysan Cabdullaahi Yuusuf.

Siciid C/fataax oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yiri "Soomaalida waxaa u cadaatay in reer Puntland maanta ey faraxsan yihiin, oo ay ka dhaadhacsan tahay in Cabdullahi Yuusuf uu guul qabiil u soo hooyay, balse markii aad dhinaca kale u rogto uu soo jiiday boog ummadda Somaliyeed aaney iloobi doonin iyagana lagu weel duwi-dooni, waayo Soomaalida badankeed waxa ey aaminsanayeen in aan cidna soo dhaweyn-doonin Cabdullahi Yuusuf oo uu yahay shaqsi dunuub badan ka galay ummadda, wuxuun ahaa Ninkii ku fashilmay in uu dakiisa iyo dalkiisa wax u qabto, cadow soo jireen ahna dalka ku soo hogaamiyay, ninka sidaa ah beey maanta reer Puntland waxey ku soo dhaweeyeen firaash iyo ubax.

Hadii taakiikhda dib loo raaco reer Puntland, waxey ka mid ahaayeen, dadkii gobanimada halganka dheer wax ka soo kifaaxay hase ahaate waxaa nasiib daro ah in maanta guushaas ey u egtagay mid sii wiiqmeysa, oo aad ku daba-feesheen nin aan adinkana arxan idiin aheyn, ummad kale arxan u aheyn dantiisa qaaska ah oo guracan oo qabiilka madax kamaray ha ku halaagsamina maalkiinaiyo ubadkiina hambadii ka soo hartayna dhowrta. Ma la is weydiiyay kuwa barlamaanka ku jiray, waxa ey diyaarad u soo wada raceen oo laga waayay nin yiraahda war halkee u soconaa! ma inaga ayaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?. Hadii idiin dul maro sheekadaan oo badiyaha ka dhacday: Nin baa wiil uu dhalay habeen Libaax la baxay, waagii markii uu baryay ayaa ninkii yiri ilama-adeerayaaloow Libaaxii wiilkeyga halay

Saqdii dhexe la tagay ha la ila soo dilo, sidii baa loogu gurmaday ninkii, markii maalin galinkeed la marayay ayaa geed hoostiis laga helay Libaaxii oo raqdii wiilka cunay fadhiya, markii indhaha la isi saaray, baa ninkii wiilka laga cunay yir, bal fiirsha indhihiisa sidii isaga oo aan waxba iga haleen! marka Somali jid iyo jadiine kooxdaas oo maanta sawirka ey Qaran siiyeen lagu mithaali karaa dad aan wax dambe Banaadir, looboow loo jooge.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa. Saddax aarsi ayaa umadda Somaliyeed soo wjahday:

A) Waa Ethiopia oo colaad fac-weyn naga dhaxeysa nagana dhaxeyn-doonta


B) Waa Mareykanka, oo maamulka Bush wacad ku maray in uu u aaro 19kii Muqdisho diyaarada lala riday aarsashadaas oo uu soo qoray nin u ahaa kaaliyaha kowaad xagga Guriga Cad book uu soo baahiyay.


C) waa Cabdullahi Yusuf, oo isna wacad ku maray isagana in uu dad hoobiyaasha taankiyada xabashida uu umadda Banaadir ku laayay dad kumnaana berriga iyo badaha ku shubay

 

 

 


Dayniile