PUNTLAND INAY SOMALIYA KA GODO MA OGOLIN GUDOOMIYAHA UCID ENG FAYSAL CALI WARAABE

 


Cabdillaahi Yuusuf markuu Garoowe tegay wuxuu yidhi ‘waxaanu doonaynaa inaynu samaysano dal inoo gaar ah oo aynu Harti isugu keeno

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Inj. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo todobaadkan iska casilay Madaxweynenimada dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya uu haatan dhaqdhaqaaq uu ku doonayo inuu gooni ugu jaro maamul-gobolleedka Puntland ee Waqooyi/bari Soomaaliya ka wado magaalada Garoowe oo tan iyo intii uu is-casilay ku sugnaa.

Faysal Cali Waraabe oo uu xalay waraysi la yeeshay Ogaal, waxa uu jawaab kulul ka bixiyay dhawaaqyo hanjabaado ah oo ka dhan ah hirgelinta Diiwaangelinta gobolka Sool oo dhowaan ka soo yeedhay Madaxweyne K-xigeenka Puntland. Isla markaana waxa uu tilmaamay in haddii maamulka Garoowe ku dhaqaaqo falal dhan ka ah Diiwaangelinta Sool, uu Somaliland kala kulmi doono dhibaato saamayn ku yeelata dhulka deegaamada maamul-gobolleedkaas.

“Horta wax dareemo ah oo xumi ma jiraan, waxayna ku xidhan tahay dadka deegaanka degen. Ta labaad, waxay ku xidhan tahay sida uu maamulka Somaliland uga hirgalay dhulka aynu hawsha Diiwaangelinta ka qabanayno. Hadduu shacbigu rabo, laakiin aanay Nabadgelyo jirin oo aanay dawladdu ka shaqaynaynin sida Dhahar iyo Badhan (Barriga Sanaag) ka dhacday, dadku way rabaane maamulkii baan gaadhin.

Markaa qof kastaa qas wuu ka samayn karaa, laakiin wax ay hayaan oo maamulka Garoowe uu khatar inagu gelin karaa ma jirto. Waanu u sheegnay oo hadduu Maamulka Garoowe soo farogeliyo Diiwaangelinta Somaliland, wuxuu kala kulmi doonaa dhibaato, waananu uga digaynaa. Waxaan aad ugu rajo badnahay in shacbiga reer Sool ay diyaar u yihiin oo maanta uu ciidankeena qaranka iyo Boolisku ka shaqaynayo Laascaanood, markaa ay ka duwantahay Dhahar iyo Badhan.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha oo su’aal laga sii waydiiyay degmooyinkaa Barriga Sanaag ee uu carabaabay iyo wixii uu kala kulmay maadaama uu ka mid ahaa Masuuliyiinta kormeerayay diiwaangelintii gobolka Sanaag, waxa uu ku jawaabay “Dhahar shacbigeeda iyo odayaasheeduba diyaar bay ahayeen. Laakiin, degmada Badhan waxa khalkhal geliyay Suldaankooda oo markii horena balanqaaday, markii dambena Addis Ababa iska tegay oo maamulka Garoowe ee Cadde Muuse iska raacay, intuu odayaal kaga tegay ku yidhi, ‘waxaad tidhaahdaan hanoo keenina (Diiwaangelinta)’ masuuliyaduna isaga ayay saaran tahayoo waa lala xisaabtamayaa.

Sababtoo ah wuxuu jabiyay heshiiskii 1991-kii oo kii 1993 buu jebiyay, balantii uu u qaaday Guddigii xaqiiqo-raadintana wuu jabiyay. Markaa arrintaasi waa mid lagula xisaabtami doono Suldaan Siciid, dawladduna waxay ka gaabisay inay dhulkaa (Barriga Sanaag) Boolis geyso oo ay maamul hagaagsan ka dhisto. Laakiin, labada meeloodba (Sool iyo Barriga Sanaag) dadku waa diyaar waana dad reer Somaliland ah, xaalad uu BBC-da ka sii daayay Yuusf Garaad-na kama joojinayso xuquuqdooda muwaadinimo ee Somaliland.

”Guddoomiyaha oo la waydiiyay aragtidiisa ku saabsan dhawaaqii Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Xasan Daahir Af-qudhac ee la xidhiidhay hawsha Diiwaangelinta Sool, waxa uu sheegay in aanay Puntland awood u lahayn falal ay ku carqaladayn karto Diiwaangelinta Sool.

“Waxa weeye, qof Mikirifoon loo dhiibay wuxuu doono ayuu ku hadlayaa. Xasan (Madaxweyne K-xigeenka Puntland) wuxuu ka soo jeeda Ceerigaabo, halkaasna waatii Diiwaangelintu ka dhacday.

Markaa meel aanu isagu awood ku lahayn inuu yidhaahdo ka dhici mayso, waa iska af-gobaadsi oo doorasho ayuu ku jiraayoo wuxuu is leeyahay halagugu doorto. Laakiin, hadii la qash-qash geliyo Diiwaangelinta Somaliland, Garoowe-na doorasho ka dhici mayso bisha sideedeeda (8 january 2009 – doorashada Madaxtinimada Puntland) oo taasaanu ugu balanqaadnay.” Sidaa ayuu yidhi.

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo la waydiiyay sida uu u arko iscasilaada Cabdillaahi Yuusuf iyo dhaqdhaqaaqyo sida la sheegayuu maalmihii u dambeeyay ka waday Garoowe, waxa iscasilaada Madaxweynihii hore ee TFG ku tilmaamay waacusub oo u baryay shacabka Soomaaliya, waxaanu mar uu arrintaa ka hadlayay yidhi, “Horta, waacusub baa u soo baxay Soomaaliya. Cabdillaahi Yuusuf wuxuu ahaa dhibaatada ugu weyn ee hortaagan dib-u-heshiisiinta iyo Nabadda Soomaaliya.

Cabdillaahi Yuusuf iyo kooxo la mid ahi waxay ahaayeen dadkii kharibay Midnimadii Soomaalida, kuwii Soomaaliya fashiliyay ee umadda qaybiyay. Wuxuu ka mid ahaa dadkii inaga Somaliland ahaan kuwii ina qaybiyay ee beelaha inaga dhigay inagoo dad reer Somaliland ah, isku dhaqan ah, isku Calan ah oo shan Soomaaliyeed doonayna.

Markaa waxa farxad weyn ah in isaga iyo jiilkiisii fikradaa qabay ee Soomaali kharibay ay ka baxeen siyaasadda, waxaana hadda ka sii hadhay ninka la yidhaahdo Cabdirisaaq Xaaji Xusseen (Raysal-wasaarihii Soomaaliya sannadihii u dhexeeyay 1964-1967) oo isna taariikho been ah ka sheegta idaacaddaha.

Sidaa darteed, waxa halkaa inaga dhammaaday jiilkii Soomaali kharibay ee qabiilka u kala saaray ee shantii Soomaaliyeed ee la doonayay qabiilka ku bedelay, markaa waa laga nasanayaa Cabdillaahi Yuusuf. Wararka waxaanu ku helaynaa in markii uu Garoowe yimi markii uu Saxaafadda u waramayay markii dambe yidhi Kamaraddaha iyo Rikoodhada iga bakhtiiya, oo uu yidhi ‘waxaanu doonaynaa in aynu samaysano dal inoo gaar ah oo Isir (qabiil) ku salaysan oo Maamulka Garoowe aan ka dhigno mid Madaxbanaan oo aynu Harti isu keeno, dawladna u samayno…’ Markaa haddii taasi dhabowdo oo uu dhaqdhaqaaq Somaliland iyo Xuduuddeheeda ka soo horjeeda sameeyo, balan waxaanu ugu qaadnay in inta aanu waxaanu hayno iska joojino in arrintu noqon doono dhulka lagu dagaalamaaayaa inay dhulkooda noqon doonto.

Waanu u sheegnay oo fariin baanu u farnay, Isimadooda waanu u sheegnay shacabkoodana waanu u sheegaynaa. Dhulkii la odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya, meel aan lagu dagaalami oo intii dagaaladii Soomaaliya ka dambaysay koray oo magaaloobay waxa jira Boosaaso iyo dhulkaa ay iyagu (Puntland) degaan.

Markaa haddii ay Nabaddooda xejisan waayaan oo ay jaarnimadooda nagu ixtiraami waayaan, anagu (Somaliland) wax ma daandaansanee wax baanu iska celin doonaa.”


Injineer Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamay in aanay qaddiyada Somaliand iyo guud ahaan Soomaaliya waxba u dhimayn haddii ay dhabowdo abaabulka Cabdillaahi Yuusuf ku doonayo inuu Puntland kaga jaro Soomaaliya inteeda kale, taasoo uu xusay in aanay Somaliland iyo Koonfurta midna aqbali doonin. “Waxba ma yeelayso. Laakiin, waa inay ku ekaato labadooda gobol ee Nugaal, Barri iyo badh Mudug ah. Markaa labadaa gobol iyo badhkaas bay leeyihiine ama haku dareen Soomaaliya ama dawlad-gobolleed ha ahaadeen ama ha noqdeen mid madaxbanaan….. Soomaaliya ogolaan mayso oo berri baa la soo qaban doonaa, sababtoo ah anagoo (Somaliland) dawlad ahaan jirnay oo Xuduud leh ayaanu Soomaaliya ilaa hadda la la’nahay na Ictiraafa. Markaa Mudug oo xad kala dhexmaro inay go’do ogolaan mayso, anaguna ma ogolin in Soomaaliya kala goo’godo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID.

 

 

 


Xg: Ogaal