Professor Axmed Ismacil Samatar Oo Maanta BBC-da U Sheegay Doorashadii Sanadkii 1967 kii, In Cigaal iyo Sharmarke Ay Ku Shubteen.
 

 


Prof. Axmed Ismaciil Samatar oo u warramayay idaacadda Laanta Afka Somaliga ee BBC da ayaa sheegay in doorashadii 1967 kii lagu soo doortay Madaxweyne Cabdirashid Cali Sharmaarke iyo Raiisal Wasaare Maxed X. Ibrahim Cigaal , ay ahayd musuq maasuq oo lagu shubtay. Taasina ay keentay sababtii loo dilay markii da mbe Madaxweyne Sharmaarke.


Mar uu sharraxayay waxyaabaha dhibaatada ku keenay Somaliya laga soo bilaabo markii xorriyadda la qaat ay ee sanadkii 1960 kii ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay in doorashadaasi ahayd dhibkii ugu horreeyey o o bilayskuna waxba ka qaban kari waayay amar ku yimi aawadeed. “Waxyaabaha qaar ayaa dalka dhabarka ka jabiyey oo ay ka mid ahayd doorashadii 1967kii … Waa marka ay dadka wax baadha u kuur galeen.” Ayuu yidhi Axmed Samatar.


Axmed Samatar oo isaga iyo walaalkii Cabdi Samatarsheega inay yihiin dad wax baadha oo u kuur gala ta ariikhda Somalida ,ayaa tibaaxay in hoogga hadda Somalida horyaallaa yahay mid isa soo tarayay. “Dawladdii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa may samaynin waxyaabihii ay ku ballan qaaday” ayuu yidhi , Isaga oo intaa ku daray in, “Jabhadiihii isku sheegayay inay dalka badbaadiyanaan, bad baado may keenine khasaare badan ayay geeysteen oo illaa maanta inna haysta”.



Barnaamijka maalinta Jimcaha ka baxa laanta Afka Somaliga ee BBC ayaa waxa arrintan dhibka Somalida ha ysta ka doodayay qaar ka mid ah aqoonyahan ku shiraya dalka Djibouti oo marti geliyay shir ku saabsan og aanshaha xididka halka ay sirtu ka qudhuntay ee dhibka Somaliya haystaa uu ka soo unkamayo.

Waxa ay aqoon yahanka la waraystay dhammaantood ba qireen in dawlad kasta oo hore loo soo dhisay aa nay ahayn mid leh karti ay wax ku qabato, hase yeeshee loo baahan yahay in hoggaan cusub oo aqoon iyo karti leh la abuuro.


Waxa kale oo uu ku xusay waraysigaa in hoggaankii hore ee Somalida ay ku jireen dad wanaagsan. “Madax weyne Aadan Cabdalle Cusmaan wuxuu ahaa oo la iksu raacay” inuu hoggaamiye fiican ahaa. Isagoo ka had laya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxa uu yidhi,”Ra’iisal Wasaare soo mara Somaliya kii ugu daacadsanaa, ugu karti badnaa” oo hoggaan wanaagsanaa.



Hore ayaa Axmed Samatar iyo walaalkii Cabdi Samatar u sheegeen inay buug ka qorayaan waxyaabihii Som aliya ka dhacay sanadihii 1960 kii. Iyagoo si gaar ah ammaan u huwiyay Ra’iisal Wasaare Cadirisaq X. Xuse en. Qoraalada labada Samatar ee walaalaha ah ayaa had iyoo jeer hore uga muuqatay jacaylka gaar ka ah ee ay u qabaan Cabdirisaaq X. Xuseen.



Hase yeeshee cagsi ahaan waxyaabaha ay ka qoraan Madaxweyne Maxamed X. Ibrahim Cigaal ,ayaa had i yo jeer qoraalkooda ay ku muujiyaan colaad gaar ah oo ay u hayaan Madaxweyne Cigaal oo ay taariikhdiisa had iyo jeer mid madow ku sheegaan.



Waxana dadku had iyo jeer is weydiiyaan, colaadda Ilma Samatar ee taariikhda cid kasta oo Somaliland ka soo jeedda, ama taariikhda gaarka ee dalka ama horeumarkiisaba xaggee ayay ka bilaabantay.


 

 

 

Farxaan Bile
Djibouti
December 17, 2010