Prof.Ibrahim Maygaag Samatar oo Tacsi u diraya Qoyskii uu ka Geriyoday Marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale
Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

 

Ibraahim Meygaag Samater iyo xaaskiisa Aamina Jaamac Xasan waxay iyagoo tiiranyeysan tacsi u dirayaan eheladii, qarabadii iyo ummaddii uu ka geeriyooday Maxamed Ismaaciil Bullaale.

Eebbe naxariistii janno haka waraabsho, inteenna hadhayna samir iyo iimaan ha siiyo.

Haddii adduunka lagu waarayo Mustafihii baa ( SCWS) inna la joogi lahaa. Marxuumku waajibkiisii qaran wuu gutay. Ilaahaybaa ka abaalmarin; innana waa u ognahay.

Markale Eebbe naxariistii janno haka waraabsho,Amiin, Amiin,........

 

 

 


Ibraahim Meygaag Samater
Aamina Jaamac Xasan