PRO cali khaliif galayd siiyaasi macquula[ hadaad haysaa xadhigii laga garacayay

 


 


Jamhuuriyada Somaliland waxay ay tahay mid lawada leeeyahay

bil macna kalimah mid lawada leeyahay oon lakala lahayn

hase ahaatee waxay mudo haysay walina haysaa wado/ dariiq qaldan

waxa ilaa hada ka taagan dhibaatooyinka hoos ku xusan


1- Dad yar oo kaligood ku shaqaysata dalkana manaafacaadsada[ umada inteeda kalana ilaa hada qatan yihiin].


2- Qabyaalad iyo nin kala jeclaysi xataa shaqadu noqotay garab [ dadka inta kalana afku dheeraaday siday meelaha u fadhiyaan with out job shaqo la,aan].


3- DEGAANADA qaar kood oo la yidhi iska kaaya daawada/fiirsada sidaanu wax u cunayno[ macnuhu waxa weeye iska kaaya ag jog jooga hana hadlina ].


4- ciidamo loo samaystay umada oo hadii aad yar nuux nuuxsato saqda dhexe ku miraaya oo guryaha inta salaamo loo dhigto dusha lagaga soo daadanyo[ arimahan oo kale xataa dawladii siyaad bare ahn laguma arag.[ tolow maxaa laga dagaalamay ].


Hadaba waxaad mooda ta mudane profisor cali khaliif galayd

uu diiday inay tahay tan ah iska kaaya ag joog jooga oo na daawada

sidana kama dhacdo aduunyada korkeeda kaliya waxay ka suurta gasha

dadka inta aaan AWOODA LAHAYN ama caqligu ku yar yahay ama aad u liita.

Waa hubaal in nimankan odayaasha ah ee hada dalka maamula inay yihiin rag aqoonyahana oo ku shaqaynaaya siyaasado xeel dheer [ nidaamka qaybiyoo xukun ].


Mudane profisor cali khaliif waxa hada ku talaabsaday wadadii uu maray madaxwaynihii hore ee soomaliland mudane daahir riyaale kaahin,

waana hubaal in uu ku najaxayo quruskiisana banaanka loo dhigaayo haduu soo jeestay

xataa waxaa iman karta isbahaysiga darafyada

taasina waxay keeni karta in xulafada hada maamusha dalka oo ah koox khubaro ah

in laga guulaysan karo.


Mudani cali khaliif galayd muxuu samayn karaa good question ?

.waxa uu samayn karaa asagoo fahma in dad badan oo somalilander ah

oo xaga siyaasada laga awood batay ay jiraan una baahan inuu xagiisa keeno

dadkaas oo degaan ahaan kasoo jeeda degaamada beelaha dhexe.

dadkan oo khubaro xeel dheeri heshay runtiina wax mustaqbala aan ku lahayn saaxada siyaasada waxa suurta gala in aad shinbir u noqoto.

. waxa kaloo uu samayn karaa asagoo abaabula siyaasad waafiya oo uu ka iibin karo dhamaan bulshada soomaliland dhanka galbeedka iyo barigaba iyo degaanada lagaga awood batay xaga dhaqalaaha iyo siyaasada .

Kalmadan ah dadka lagaga awood batay xaga dhaqalaaha iyo siyaasada waxay noqon doonta kalmad hada hirgalaysa madaama ay tahay mid runta ku dhow

waana mid aniga iga timu haba ku jirto afsoomaligee isticmaalkeeda Ayaan la dhugan iyo halkay khusayso.

inkasta oo aanan cali kula taliyeen in soomaliland ay yeelato magac kale fikirkaasi waxa uu abuuraya marxalad kale oo aan laga gayoon Karin .


HADA tartanku wuxuu jogaa sadex xisbi wadani . ucid .kulmiye

waqtigana waxa la sugaya doorashada qabsoomaysa dhawaan bilo kadib


1.Mudane cabdiraxmaan ciro xisbiga wadani

2. mudane muuse biixi xisbiga kulmiye

3. mudane faysal cali waraabe xisbiga ucid


wabilaahi tawfiiq



siciid cabdi dheen
siciiddheen@outlook.com
London/ united kindom