Orodyahanka Mo Farah Oo Ku Guulaystay Tartankii Ugu Horeeyay
Ciyaarihii Olympikada Kadib
Mo Farah ayaa ku guuleystay tartanka orodka 3000m ee loo yaqaan
British Grand Prix oo lagu qabtay Magaaladda Birmingham ....
London (TNN)- Orodyahankii ku guuleystay labada biladood tartankii
Olympikada Mo Farah ayaa guushiisii ugu horeysay ka gaadhay tartan
orodada gudaha ah oo ka dhacay dalka Ingiriiska.
Mo Farah ayaa ku guuleystay tartanka orodka 3000m ee loo yaqaan
British Grand Prix oo lagu qabtay Magaaladda Birmingham. Mo Farah
ayaa hoggaanka orodka qabtay markii la marayay kala badh isagoo ku
dhamaystay toddobo daqiiqo iyo 42 second. Tartankan ayaa wuxuu noqon
ayaa kii ugu horeeyey ee sanadkan uu ku guuleysto Mo Farah isagoo ka
rajo qaba in tartano badan oo uu ka qeybgalayo uu fure u noqdo
guushani.
Mo Farah ayaa ka qeybgeli doona tartanka Virgin London Marathon
isagoo ordi doona wadooy inka London sanadka 2014ka. Orodyahan Mo
Farah ayaa waxa uu rajeynayaa in uu u tartamo tartanka ciyaaraha
Marathonka ee 2016. Tababaraha Farah Alberto Salazar ayaa hore u
shee gay in uu u tartami karo Mo Farah orodka marathonka ciyaaraha
Olymbikada ee 2016. Toddoba adka soo socda ayaa waxa uu Mo Farah ka
qeybgali doonaa tartan mini-marathon oo ka dhacaya New Orleans.
Timacade News Desk
London, UK
|