Oradyahanka Caanka ah ee Mo Farah waa Xasiid ay Xasiidi dhashay oon weligii Jimidhayn! '' Ha lagu soo dhaweeyo Somaliland, Bilad-dahableh''
 

 

 

Bilad-Dahableh: Waa Amad aan Warqash iyo Asalo ahayn-e ay shinidiisu ka soo jeedo Dalag wa ane iyo hal-horaad ahaa oo ku biqlay, baaqbaaqmay kuna bislaaday Gale caro-madaw ah oo ku yaal dhumucdii qodaalka iyo Qadawga iyo Wadada-godka! Waa wiil ku anqartay inta gows-qaba dleh inta ugu mudan oo ah, Xasiid iyo Garaw! Waa Wiil lud iyo lafba jidhkiisa ay kusoo duxayso l abeentii Dhayda iyo Sixinkii uu dhalaan-nimo ku koray ee, Sacii Dhiin-bay ee Cosobka iyo tigaada qaaliyada Madarka, banka Wajaale, Wadada-Godka, Geed-Balaadh, Kalabaydh, Boodhlay iyo Mit irkaba barqin iyo mayraca dharabka iyo sayaxa ku goosanayay! Dhijaanta iyo Balaygana ladaa bta Xareeda ka durduuranayay! Waa Wiil Fandhaal burcad ah nasintiisa (madaxa) judha-waaga aroor kasta loogu galaalay!



Waa Wiil raadqaadnimo Sogsogta duleedka iyo bawdka sagarada bootinta iyo is qabadkaba filk iisa kula looli jiray. Waa wiil kuraynimadii, aaranka iyo qaanka Lo'da durdurada caraabaha barat an ku xugan jiray! Waa wiil qaangaadhnimadii Boyga, qoodiga iyo Mooska qindhiga meerarka ku-gabalin jiray!



Waa wiil cawayska iyo fiidkana xantada, cadatuuradka iyo dhuumaalaysiga migilka ku sugi jiray! Waa wiil intaa iyo inteeda kale ee laabanba lahaa, Sidaas darteed, Xidig iftiin dheer leh inuu noq daa waa wax laga sugayay!



Intaas dabadeed waxan leeyahay, Ha lagu soo dhaweeyo Halkii iyo dalkeenii hooyo ee ay Xudun tiisu ku aasnayd (Somaliland), kalgacal han iyo hiraal sare leh oo ma ilowdo ah, Halyayga caanka ah ee reer Somaliland, mudane Maxamad Faarax.

 

 

 

 

Cali Cumar Xasan