Ololaha Doorashooyinka Xisbiga Udub Oo Maanta Mar Kale Fashilmay



Hargiesa (Longlivesomaliland News), Xisbiga talada haya ee UDUB aya maalitii labaad ku keliyeystay ololaha doorashooy inka somaliland.

Magaalada hargaysa ayaa maanta aan si weyn looga dareemin isku soo bixii xisbiga udub oo ku noqday waji gabax, sidoo kale waxaa jira warar naga soo gaadhaya gobolada dalka oo sheegaya in aan si balaadhan maanta layskugu soo bixin marka laga reebo gobolka awdal oo xisbiga udub uu ka hayso taagero.

Dhanka kale gobolada aan sida buuxda maanta looga dabaal degin  waxa a ka mida gobolka togdheer oo ay fagaaraha soo isteen sida uu ku soo waramayo wariyahayaga Gobolkaas.

Maaha markii ugu horaysay ee xisbiga udub ku hungoobo  taageerayaa shisa ku kala daadsan gobolada iyo gedmooyinka somaliland.

Badhtamaha magaalada hargiesa saaka aroortii hore waxaa isugu soo baxay dad faro ku tiris ah oo u badnaan dhalinyaro, haween iyo caruur aad u dayar oo sitay calamada xisbiga oo ay ku dhajisanaayeen labada murshaxa ee xisbiga UDUB.






Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Office/Somaliland