Ogaysiis Xaflada Sanadka18-ka May ee Caasimada Jarma lka Berlin oo Kulmin Doonta Masuuliyiin iyo Fanaaniin Qiimo ku leh Somaliland Ha Moogaan.

 


Waxaa la Ogaysiinayaa Bulsho Waynta ku Dhaqan Wadanka Jarmalka iyo Hareerihiisa in Sanadkan markay Taariikhdu tahay 17-05-2014 Maalinta Sabtida Habeenka Axaddu soo Galayso lagu Qaban doono Xafladdii Sanad Guurada 23-aad ee ka soo Wareegtay Aasaaskii Qaranimada Somaliland oo ahayd 18-ka May 1991, taasi oo ka dhici doonta Magaalada Berlin ee Caasimada Wadanka Jarmalka.



Halkaasi oo ay ku kulmi Doonaan Fanaaniin Waawayn oo Magac iyo Milgo ku Dhexleh Bulshada Somaliland, Wasiiro ka Socda Xukuumadda, Xildhibaano, Madaxda Jaaliyadda Somaliland ee Wadankan Jarmalka, Abwaano iyo Dadwayne kale oo Tiro badan oo ka Qayb gali doona Munaasabada Dabaal Degga Sanad guurada 23-aad ee ka soo Wareegtay Maalintii Dhidibada loo taagay Jamhuuriyada Somaliland.



Xafladan oo Noqon doonta Tii ugu Balaadhnayd ee Abid lagu Qabto Dalka Jarmalka Gaar ahaan Magaalo Madaxda Berlin taasi oo ay Dadwaynaha ku dhaqan wadankani si wayn u Sugayaan, Si Balaadhana looga Dareemayo Qabanqaabadeeda Gudaha Wadanka jarmalka.



Wixii Faahfaahina ee intaa Dheer kala Xidhiidh Gudida Qaban qaadada Xaflada 18 may Germany oo kala ah:



Bushaaro Jaamac Saalax

Mustafe C/kariin Cali (Future)

Abwaan Khaalid Cabdi Yuusuf (Miino)



Contacts:



004915218734711

004915211362237