Ogaysiis Muhiim ah: Kulanka wasiirka ariimaha gudaha ee London

 


 

Dadwaynaha reer Somaliland ee ku nool dalkan Ingiriiska, siiba magaalo madax-da London, w axa la ogaysiinayaa in wasiirka ariimaha gudaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Cali Maxam ed Warancadde oo haatan ku suggan magaaladdan London uu la kulmi doona jaaliyada.


Kulankan oo soo dhaweyn iyo is xog wareysi iskugu jira waxa uu wasiirku inooga warami doo naa dalkeenii iyadoo markaas dadweynuhuna fursad u helli doonaan in wixi su’aalo iyo talloo yin ahba ay wasiirkooda la wadaagaan.


Hadaba waxa dadweynaha reer Somaliland laga codsanayaa inay si sharaf leh usoo billaan kul ankan aynu kuso dhaweyneyno wasiirkeena ariimaha gudaha.


Kulanku wuxu ku qabsoomi doonaa haddii ilaahay oggolaado Sabtidan soo socota ee 14-ka D ecember Hanwell Community Centre oo ciwaankeeduna yahay: Westcott Crescent, Ealing, Lo ndon, W7 1PD


Kulanku wuxu innoo bilaabmi doonaa 5-ta galabnimo insha Allah.


Wixi faahfaahin ah kala xidhiidh 0208 848 1180 amma 07870515334/07903983647


Wa bilaahi Tawfiiq,


Gudida qaban qaabadda