Ogaysiis: Xaflada London ee xuska doorashooyinkii ka dhacay JSL 26-kii June

 


 

Sida la wada ogsoonyahay doorashooyinkii taariikhiga ahaa ee ka dhacay Jamhuuriyada  S omaliland 26-kii June iyo qaabilaadii natiijadii kasoo baxday waxay muujisay oo ay daaha ka rogtay bislaanta, qaan-gaadhnimada iyo geedi socodka dimuqradiyada aan jogsiga lahayn ee qaranka Somaliland. Taasi waxay farxad, rajo iyo ididiilo cusub galisay umadda reer  Som aliland meel walbooy joogto oo dhacdadan taariikhiga ah ku xusay damaashaad. Sidaa  dar aadeed ayaanu anaguna fursad u siinaynaa dadka reer Somaliland ee dagan London iyo  gu ud ahaan UK inay damaashaadka kala qayb galaan umadooda oo ay iskugu yimaadaan  xafl ad aad u balaadhan oo ay ku muujiyaan shucurtooda iyo dal jacaylkooda.


Xafladan waxa inagalasoo qayb galli doonaa marti sharaf kala duwan oo ay ka mid yihiin  go ob joogayaashi caalamiga ahaa ee doorashooyinkii ka dhacay JSL 26-kii June.


Kasakow taariikhda iyo geedi socodka qaranka Somaliland, waxa barmaamujka qayb ka ah murti iyo maaweelo ay innoosoo bandhiggi doonaan hal abuurkeena iyo fanaaniinteena kala duwan ee rag iyo dumarba leh.


Xafladani waa xaflad bilaash ah oo wax lacag ah lagusoo galeyn, cunto iyo cabitaan-na aad ka helli doontid haddii eebe idmo.



Waxa xafladan si wada jir ah u qabanqaabinaya ururada kala ah: Somaliland Society UK  (SSUK), West London Somaliland Community, Somaliland Society Europe (SSE), Somaliland Recognition Action Group, Somaliland Education and Cultural Project, Karin Housing  Assoc iation, OSCA, Nomad International, TAF iyo Haringey Somali Community and Cultural  Associ ation. Waxa kaloo munaasibadan ka qayb qaadanaya safaarada Somaliland ee London iyo xisbiyada qaranka Somaliland ee UK (KULMIYE, UCID iyo UDUB)



Taariikh: Jimce, 30-ka July 2010



Madasha: The Water Lily, 10 Cleveland Ways, London, E1 4UF



Wakhtiga: 5-ta galabnimo (5PM) ilaa iyo 11-ka habeenimo (11pm)



Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh dadka kala ah:



Asha Qalib: 07984792116
Fadumo Omar:
07985439605 Email: fadumo_m@hotmail.com
Iid Xasan: 07957758340, email: wlondonsomalilanders@gmail.com
Maryan Osman: 07983470106, email: araweelo2000@yahoo.co.uk
Muuse Boordhaab: 07984939850, email: buurdhaab22@hotmail.com
Suldan Jama: 07960332815, email: aftahan@gmail.com
Yurub Qalib: 079318215364, email: arahyurub@yahoo.co.uk