Oday-dhaqameedka Hawiye; ''Waa Shax Cusub Ee Ma La Ciyaari Karaynaa
Mise....?!
Tan iyo intii uu bilaabmay wada-hadalka Aduunyada gogoshiisa dhigtay
ee u dhaxeeya J.Somaliland iyo Soomaaliya ee wafdiyada labada dal u-xusheen
wada-hadalkuna isku arkayeen Ingiriiska iyo Turkiga, waxa bar-bar
socday dadaal kale oo aad u xoog badan oo mid muuqda iyo ku
qarsoonba leh oo uu maamulka ka jira Soomaaliya uu ugu xusul
duubayay, in arinta Xaal-masduur iyo isku-soo-jiidjiid loo bedelo oo
laga saaro qaabkan Caalamiga ah ee haatan ay wax u socdaan ee
Aduunyaduna marag-ga ka tahay. Taas waxa kuu cadaynaya, madaxda
maamulka Soomaaliya, mar kasta oo wada-hadalka u dhaxeeya iyaga iyo
J.Somaliland taagan yahay oo wax laga waydiiyoba waxa ay war-baahintooda
iyo kuwa Caalamiga ah (BBC/Voa-Somali) si qayaxan ugu sheegi jireen
in wada-hadalku aanu noqonayn uun mid ku koobnaada labada
Xukuumadood ee ay ka dhigayaan mid dadka oo dhami ka qayb galayaan
haday yihiin; Madax-dhaqameedka, Ururada bulshada, Wax-garadka,
Culimada Diinta, Ganacsatada, Haweenka iyo Dhalinyaraba!
Iyaga oo taa sii xoojinaya ayay Makarafoonada Idaacadaha, Bogagga
Website-yada iyo Shaashadaha TV-yada hadh iyo habeen ka afuufaan
hadalo iyo fariimo ay dadkooda ugu baaqayaan, in qof kasta oo ka mid
ahiba fadhiga ka kaco oo uu ka dhiidhiyo dalkooda la kala Goynayo!
Iyaga oo iska-qiiraysiinaya oo mararka qaarkood waliba OOHIN
been-been ah-na ku daraya yaa ay ku lalabaan; ''Soomaaliya mid-nimadeedu
waa MUQADAS ilaalinteedu waa waajib cid kasta oo Soomaali ah saaran!
Intaasi uun kuma koobna-e waxa kale oo intaa u-sii dheer oo aad
moodaa inay ku qarwayaan erayo madhan oo aan wax dux iyo dan toona
lahayn oo ay ka mid yihiin kuwan hoosta ku qoran;
- Soomaalidu, waa hal Qoys!
- Soomaalidu, waa dad walaalo ah, isku Af ah, isku Diin ah, isku
Dhaqan ah iwm!
- Soomaalidu, waxa ay wadaagaan ayaa ka badan waxa ay ku kala duwan
yahiin!
- Soomaalidu, mid-ahaanta ayay wax-iskaga celin kartaa!
- Soomaalidu, isma necba Qabiil-qabiilna iskuma layn ee Siyaasiyiin
ayaa kala Qoqobaya!
- Soomaalidu, Soomaalidu, Soomaalidu..................
Waxaas ay shubayaan ee qiiiro-bilaashka ah oo dhami niyad kama aha
ee waa af-ka baarkiisa! Nimanku, waa nimankii aynu sida fiican isku
baranay intii u dhaxaysay 1960-91kii, ee waxa aan isla soo marnay-na
aan ka wada dheregsanahay! Xaqiiq waxa ah, in waxaasi oo idili uu ka
yahay Qiiq isku-qarin ee hamigoodu uu yahay sidii ay u shaashayn
lahaayeen jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland! Horaa uu u yidhi Alla
ha u naxariisto ee madaxwaynahii labaad ee J.Somaliland mudane
Maxamad X.Ibraahim Cigaal hal shay oo qudh ah ayay nimankaa reer
Koonfureedku ka midaysan yihiin kaasi oo ah; ''Ka soo hor-jeedka iyo
diidista Qadiyadda J.Somaliland''. Aar marxuumku muxuu nimanka
yaqaanay!
Haatan iyo gabo-gabo; Oday-dhaqameedka 50ka xubnood ka kooban ee ka
socda beesha Hawiye ee haatan jooga caasimada Jamhuuriyadda
Somaliland ee Hargaysa-LADAN, ma aha niman u socda waxa ay inoo
sheegeen ee ah; ''Wax-baan ka baranaynaa reer Somaliland iyo
hambalyaan u sidnaa shacabka aan walaalaha nahay ee ku dhaqan
J.Somaliland''! Arintu intaa waa ay ka wayn tahay! Waxana ay tahay
oo dhab ah, bilowgii qorshaha aan dusha kaga soo sheekeeyay ee ah,
in wada-hadalka u dhaxeeya J.Somaliland iyo Soomaaliya la marin
habaabiyo oo caalamka loo tuso in arintii u dhaxaysay J.Somaliland
iyo Somalia, la balaadhiyay oo gudahana laga wado dib-u-heshiisiin
iyo is-cafin, oo ay dadka Soomaalida ahi xaajadoodii iyagu
gacantooda ku qabsanayaan oo ay geedka hoostiisa ku dhamaysanayaan,
waxa ay kala tabanayaan turxaan baxsanayaan, oo ay durba bulshada
kuwoodii ugu mudnaa oo ah Oday-dhaqameedyadu, ay Hargaysa si fiican
iskugu qaabileen! Halkaana ay ka sii socon doonaan kulamo kale oo
kan ku xigi doona oo ka dhici doona Muqdisho, Hargaysa iyo meelo
kaleba.....Yaab!
- Sidaasaa Ciyaarta loo rogay, ee Tolow teenii halkeer ee Amaanta
jeclayd (reer Somaliland) ee iska uun MIRQAANSANAYD ma la degi
karayaan Shaxda noocan ah ee ay Somalia-italia badka soo dhigtay
mise.......? Allah ha Sahlo.
''Ha jirto Somaliland oo Ha Joogto Waligeed''
Cali Cumar Xasan
|