Odayaasha Somaliland ee Minnesota oo Qado sharaf u sa meeyay Professor Saleban Axmed Guled iyo waftigii ka socday Camud Foundation.

 


Maalintii shalay ahayd ayaa waxa si gaar ah loogu soo dhaweeyey qado-sharaf si gaar ah loogu talo galay Professor Saleban Axmed Guled oo ah Hormuudka Jaamacadda Koowaad ee Somalilan d, Camud University iyo weliba wefti uu hogaaminayay oo ay ka mid ahaayeen Madaxa hey’adda Camud Foundation, aqoon yahan Maxamud Cigal iyo aqoon yahan Yusuf Qalib oo isna ka mid ah aasaasayaashii hey’adda Camud Foundation.

Qado-sharaftan oo ay u dhamaayeen dhamaanba hormuudka jaaliyadda Somaliland ee Minnesot a ayaa ahayd mid run ahaantii lagu sharfayay “Aabaha Aqoonta ee Somaliland-ta Cusub”, Profes sor Saleban Axmed Guled. Qado-sharaftan markii ay dhamaatay waxa madasha hadalo kookooba n ka jeediyay qaar ka mid ah marti-sharaftii kasoo qayb gashay. Prof. saleban oo war bixin koob an halkaas kusiiyay marti-sharaftan ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa: Waar aqoontu xuduud ma leh, qabiil ma leh, deegaan ma leh…. Anaku Camud aanu ka bilowno dedaalkayaga, laakiin Jaa macad Somaliland ku taala oo aanaan ka caawin furitaankeedii iyo talo siinteedii ma jirto. Shiikha beledka Soomaalida ee North America, Sh. Sacad Muse Roble oo isna goobtaas ka hadlay ayaa ugu horayn si aad ah ugu mahad naqay Mudane Yusuf Budle oo ahaa aqoonyahanka isagu fidiy ay qado-shaftan. Sh. Sacad waxa kale oo uu si aad ah ugu mahad naqay Prof. Saleban iyo madax da Camud Foundation sida aan hagrashada lahayn ee ay naftoodii, maalkoodii iyo aqoontoodiiba ugu hureen dhulkooda Hooyo. Shiikh Sacad waxa uu hadalkiisa kusoo gunaanaday: Mujaahid ka weyni ma jiro ninka boqolaal kun oo ciyaal ah oo bilaa rajo ahaa hubka kaga dhigay qalin tusayna in qalinku uga faa’iido badan yahay qoriga. Nin walba taariikhda ayaa xusidoonta, laakiin anagu, adiga oo nool ayaanu ku leenahay Professor Saleebaan geesi ayaad tahay, dalkeena dhismihiisa na nin qayb ka weyn ka qaatay ma jiro, waanan kuu ognahay, waanan kuu ducaynaynaa.

Waxa iyaguna halkaasi hadalo kookooban oo isugu jiray kaftan, dhiiri gelin iyo amaanba kasoo je ediyay odayaasha iyo aqoon yahanada ay ka midka yihiin: Aqoon yahan Maxamud Cigal, Aqoon yahan Yusuf Qalib, Oday dhaqameed Abshir, Siyaasi Ugaas Axmed Umad, Oday dhaqameed Cum ar Jabhad, Aqoon yahay Yusuf Budle, Aqoon yahan Dr. Abiib iyo Aqoonyahan Cumar Axmed Xas an.


 

 


Xuseen Axmed Qawdhan

Minneapolis, MN USA