NUXURKA QORAAL GARNAQSI AH OO UU MADAXWEYNE SIILAANYO U GUDBIYEY
MIDAWGA AFRIkA

Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo
ayaa tilmaama y in meesha kaliya ee Citiraafka Somaliland hor taagani
tahay Africa. Waxa uu Madaxwe ynuhu Sabtidii oo ku beegnayd Maalin ka
hor Xuska 18-ka May Qoraal Gar-naqsi ah u gu dbiyey Midawga Africa(AU).
Waxa uu qoraalkaasi oo qaar ka mida Warbaahinta Caalami ga ahi
baahisay Ciwaan uga dhigay “ waa wakhtigii Somaliland loo aqoonsan
lahaa dal madax banaan oo xubin ka ah Midawga Africa(‘It’s time to
recognise Somaliland as an independent country and AU member’,).
Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya Saamaynta Marxaladihii Somaliland
soo martay ku yeesheen iyo wakhtigan xaalku sida uu yahay waxa uu
yidhi “Khasaaraha ka dhashay sannadihii colaadaha lagu jiray, waxay
naga dhigeen in aannu noqono dal faqiir ah, laaki in, haddana,
waxbarasho bilaash ah ayaannu hirgelinay si carruurtayadu u helaan
taclii n. Dhaqaalahayagu si aayar aayar ah ayaa loo dhisay, waxaannu
gaadhnay horumar aa nnu ku faani karno.”
Waxa uu sidoo kale ka hadlay Caqabadaha Citiraaf la’aanta ku soo
wajahay Somaliland “Laakiin ictiraaf la’aanta aannu kala kulanay
dalalka Afrika iyo beesha caalamka, ayaa naga dhigay mid si khatar
ah caqabad ugu noqday horumarka iyo rajooyinka aannu sa re ugu qaadi
karno nolosha muwaadiniintayada. Waxa kale oo (aqoonsi la’aantu)
naga horjoogsatay in aannu helno gargaar caalami ah iyo lacago dayn
ah oo aannu ku dhaqa ajino horumarka Somaliland. Waxa la naga diiday
in aannu ka qaybgalno shirarka lagu gorfeeyo mustaqbalka dalalka
Geeska Afrika… Waxaannu ogaannay in aqoonsigayaga laga diiddan yahay
oo qudha qaaradayada Afrika,” ayuu Qoraalkiisa ku yidhi Madaxwey ne
Siilaanyo
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka codsaday Midawga Africa Citiraaf
wuxuuna yidhi “Ur urka Midawga Afrika waxa uu ka dhashay rajooyinka
ah sidii dalalka cusub ee wada jirk a aaminsan isaga caawin lahaayeen
koriinka iyo barwaaqada. 23-kii sanno ee Somalilan d jirtay, waxay
gaadhay guulo badan iyo waxqabad adag, markaa waxaannu Midawga
Afrika ka codsanaynaa fursad lagu oggolaado in Somaliland xubin
buuxda ka noqoto ur urkooda iyo bulshooyinka kale ee Afrika,
waxaananu ka caawin karnaa horumarka guud ahaan qaarada oo dhan.”
Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay Xidhiidhka Somalia ay
la samaysay So maliland iyo waxyaabaha ay iska kaashanayaan
“Qadiyaddayada aqoonsigu xilligan aad bay uga xooggan tahay sidii ay
ahayd sannadkii 2006. Waxa aannu xidhiidh la samaysan ay Soomaaliya
oo aannu hore isula soo marnay 30 sanno oo midnimo masiibooyin badan
ka dhaceen ah, wadahadal baa noo socda, waxaannu ku heshiinay in
aannu iskaashi ka yeelano la-dagaalanka argagixisadda, xagjirnimada,
budhcad-badeeda, kalluumaysiga sharci-darrada ah, ka hortaga sunta
iyo qashinka baddaha lagu shubo iyo dambiyada kale ee khatarta ah.
Iskaashiga noocaas ahina maaha mid faa’iido ugu fadhiya labadayada
dal (Somaliland iyo Soomaaliya), laakiin sidoo kale, waxa uu waxtar
u yahay mandaqada gobolka oo dh an iyo dunidaba. Dalalka Geeska
Afrika waxay noqdeen xudunta ama isha xasilooni-dar rada iyo
khilaafaadku ka dhashaan, laakiin, Somaliland doorkeeda oo buuxa ma
isticma ali karto sidii nabadda iyo xasiloonida loo faafin lahaa,
ilaa beesha caalamku noola dhaq anto dal qayb ka ah oo la aqoonsan
yahay.”
Source: Waaheen
|