Nuxurka Qodobada Dacwad Ka Dhan Ah Guddoomiyaha UDUB Oo Axmed Yuusuf Yaasiin U Gudbiyey Maxkamadda Sare Iyo Khilaafka Xisbigaas Oo Cirka Isku Shareeray
 

 


Hargeysa (TNN) - Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa Maxkamadda Sare ee Distooriga ah u gudbiyey Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Xisbigaasi Daahir Rayaale Kaahin, taas oo salka ku haysa talo maroorsi iyo guddoomiyenimada Rayaale ee Xi sbiga UDUB.


Dacwadan, oo todobaadkan Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin u gudbiy ey Maxkamadda sare, ayaa waxa uu kaga dalbaday in Maxkamadu aanay u aqoonsan Daahir Raya ale Kaahin Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee sharciga ah, isla markaana ay xayiraad Maxkamad du sa arto guud ahaanba hawlaha Xisbigaasi inta khilaafka sharci ee xisbiga UDUB ay Makamaddu goa an ka gaadhayso.


Qoddobada dacwadda uu Axmed Yuusuf Yaasiin u gudbiyey Maxkamada sa re, ayaa waxa ka mid ahaa In Maxkamaddu Aqbasho in aanu Daahir Rayaale ahayn Guddoomiyaha Xisbiga, iyada oo tix gelinaysa Qodobka 11.7 XGXU, In Maxkamaddu Diido Jawaabta Daahir Rayaale Kaahin, in Maxkama ddu Aqbasho Racfaanka Dacwaddan Inay Maxakamddu Baabiso Goaanka Guddi da Diiwaan Gelinta ee ku taariikhysan 17/04/2012, In Maxkamaddu Farta ugu fiiqdo Guddida Diiwaa n gelinta Wax qabadka Xisbiga Sida Shirkii Golaha dhexe iyo Goaankii kala saarista Musharaxa iyo Guddoomiyaha Xisbiga iyo In Maxkamaddu Xayiraad Saarto Xisbiga UDUB inta ay Goaan rasmi ah ka gaadhayso Khilaafka Xisbiga.


Dhinaca kale, Qoraal uu guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusu f Yaasiin u gudbiyey Guddida diiwaan gelinta oo nuqul ka mid ah uu heley Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu nuxur kiisu tilmaamayaa heerka uu gaadhsiisan yahay khilaafka u dhexeeya garabya da Xisbiga UDUB u qaybsan yahay.


Qoraalkan Guddoomiye ku xigeenka UDUB, ayaa waxa uu ku doodayaa in talaabooyinkii uu qaaday isagu intii uu Xisbiga ka maqnaa Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin ay sharci ahaa yeen, waxaanu ku eedeeyey Daahir Rayaale inuu Golaha dhexe iyo Guddida fulinta ku darsaday X ubno dheeraad ah oo ka badan intii uu sharcigu siinayey.


Sidoo kale Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu Qoraalkiisan ku dooday in sharciga Xisbigu dhigayo, had dii uu Guddoomiyaha Xisbigu ku guuldareysto hal mar Murashaxnimada Madaxweynaha dalka uu banaynayo Jagada Guddoomiyenimada Xisbiga, isaga oo tibaaxay in Daahir Rayaale Guddoomiyeni ma da Xisbiga hadda ku joogo tixgelin, hase yeeshee aanu sharci ahayn joogitaankiisu, waxaanu sheegay in aanay wakhtigan wixii ka danbeeya aanay wax ixtiraam ah siin doonin, Maadaama oo joogitaankiisu ay ka hor imanayaan Xeerka iyo Shuruuda u taala Xisbiga UDUB.


Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka ka dhex alloosan Xisbiga UDUB, ayaa u muuqda mid sii xoogeysan aya,kaas oo garabyada Xisbigaasi u kala qaybsan yahay ku sii kala fogaanayaan, iyada oo dacwad an iyo Qoraalada uu u Gudbiyey Maxkamadda iyo Guddida diiwaangelinta Ururada Axmed Yuusuf Y aasiin ay muujinayaan in Hogaanka sare ee Xisbigaasi uu khilaaf culusi u dhexeeyo, iyada oo hogaa nka sare ee Xisbigaasi ku guuldareystay in ay xaliyaan khilaafkooda.



Wargeyska Saxansaxo.