Nuxurka Kulankii Dhex Maray Madaxwayne Silaanyo Iyo Koomishanka
Doorashooyinka KOMISHANKA-DOORASHADA
Hargaysa (TNN):- Madaxweynaha
Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay x afiiskiisa ku
qaabilay guddiga doorashooyinka qaranka, iyagoo ka wada hadlay
hawlaha do orashooyinka iyo diiwaangelinta.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankaas, laakiin warar ayaa
sheegay in kulanka oo ay dalbadeen guddiga doorashooyinku lagaga
wada hadlay bilowga diiwaangelinta cod bixi yayaasha oo bilaabmaysa
21 June 2015 iyo geedi socodka hawlaha doorashooyinka qaran ka.
Warku wuxuu intaas raaciyay in guddiga doorashadu Madaxweyne
Siilaanyo oo ay weheliy een ku xigeenkiisa Saylici iyo xubno wasiiro
ahi, ugu xog warameen bilowga diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo
arrimaha doorashooyinka. Sida ay ilahani sheegeen waxay guddiga d
oorashooyinku Madaxweyne Siilaanyo u bandhigeen sida ay muhiimka u
tahay in la cadee yo wakhti rasmi ah oo la isku raacsanyahay oo
doorashooyinka la qabto.
Golaha guurtida ayaa muddo kordhintii ay sameeyeen waxay ku
go’aamiyeen inay doorash ooyinku qabsoomaan horaanta sannadka 2017
halka ay xisbiyada iyo xukuumadu isla qaate en in doroashooyinka la
qabto bisha December ee sannadka 2016. Waxaanay guddiga door ashadu
Madaxweyne Siilaanyo ka dalbadeen in la isla qaato labadaas wakhti
midkood si loo gudo gawlo hawlaha doorashada iyo jadwalka shaqo ee
guddiga doorashooyinka.
Warku wuxuu sheegay in
Madaxweyne Siilaanyo guddiga doorashada u sheegay inuu ku h
awlanyahay xal u helida khilaafka ka taagan wakhtiga doorashada la
qabanayo. Madaxwey ne-xigeenka Md. Saylici oo isna halkaas ka
jeediyay hadalo kooban ayaa tilmaamay sida ay qaran muhiim u tahay
in la isku raaco wakhti la isku raacsanyahay oo aan khilaaf ka
taagna yn. Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo madasha
fadhiyay ayaa isna la sheeg ay inuu tilmaamay inay xukuumad ahaan
jecelyihiin inuu hirgalo heshiiskii ay wada gaadhee n xisbiyada iyo
xukuumadu, isagoo dhinaca kalena tilmaamay go’aanka golaha guurtida.
Si kastaba ha ahaate kulanka ayaa lagu tilmaamay mid marka laga tago
warbixino la iska dha gaystay aanay ka soo bixin natiijo miisaan leh
oo la xidhiidha xal ka gaadhista khilaafka doorashada.
Xigasho: Wargaysa Geeska Afrika
|