Nuxurka Kulan Dhexmaray Guddomiye Cirro Iyo Waftigii Qaramada Midoobay

 


Hargeysa (TNN):-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mu caaradka Ah Ee WADDANI C/Raxmaan Cirro, Ayaa Maanta Kulan Kula Yeeshay Xafiiska Guud Magaalada Hargeysa Wafti Culus Oo Ka Socday Qaramada Midoobay Qabteeda Xuquu qal Ins aanka ,

Waftigan Oo Ka Koobnaa Saddex Xubnood Oo Uu Hor Kacayey Khabiirka Qaramada Midoobay U Qaabilsan Xaaladdaha Xuquuq Aadamaha Ee Somaliland Iyo Somalia) Mr Bahame Tom Nyan dunga.

Ugu Horayn Waxay Ka Wada Hadleen Xaalada Guud Ee Dalka Somaliland Iyo Ta Hadda Uu Mar ayo,Isagoo Gudoomiye Cirro Si Qoto Dheer Uga Waramay Xaalada Guud Somaliland.Waxa Ka le Oo Ay Ka Wada Hadleen Waftigan Qaramada Midoobay Iyo Gudoomiye Cirro Arimaha Door ashooyinka Somaliland Iyo Wada Haddalada U

Socda Xukuumadda Iyo Asxaabta Mucaaradka Ah Ee Lagu Xalinayo Khilaafkii Ka Dhashay Mu do Kordhintii Golaha Guurtidu U Sameeyeen Xukuumdda Iyo Golaha Wakilada Somaliland, Wa xaanay Sheegeen Waftiga Qaramada Midoobay In Ay Tageersanyihiin Wada Xaajoodka Xuku umadda Iyo Mucaaradka U Socda Rajo Ka Qabaan In Heshiis Waara Laga Gaadhidoono,Iyago o Ku Aamanay Somaliland Sida Fiican Ee Ay U Dhamayso Khilaafaadka Dhexdeed Ka Abuur ma,Waxa Kale Oo Ay Ka Wada Haddleen Waftiga Qaramada Midoobay Iyo Guddoomiye Cirro Mudo Kordhinta Golaha Golaha Guuridu U Sameeyeen Xukuumadda Iyo Golah Wakiilada Somaliland Sharci Nimadeed .

Dhanka Kale Waxa Si Weyn Uga Wada Haddleen Awdooda Ay Komishanka Doorashooyinka U Leeyihiin Inay Doorashada 1 June 2016 Dalka Ka Qaban Karaayaan Iyo In Kale, Guddoomiye Cirro Ayaa U Sheegay Waftiga In Gudiga Doorashooyinka Qaranku Ay 1 June 2016 Ka Qaban Karayaan Dalka Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Wakiilada , Iyagoo Ay Waftiguna Soo Dh aweyeen.

Waftigan Madaxa Bannaan Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Xuquuq Aadamaha Somalilan d Iyo Somaliya Ee Uu Hogaaminayo Mr Bahame Tom Nyandunga Ayaa Waxa Kale Oo Ay Gudd oomiye Cirro Ka Wada Haddleen Sida Ay Xukuumaddu Meesha Uga Saartay Dimuqraadiyaddii Somaliland Iyo Inaanay Ixtiraamin Dastuurka Dalka Iyo Cawaaqib Xumada Ka Dhalan Karta, Iyo Weliba Sida Khaldan Ee Ay Xukuumadda Siilaanyo U Adeegsato Ciidamada Booliska Iyo D hibaatada Kala Duwan Ee Shacabka Ka Soo Gaadhay ,Guddoomiye Cirro Ayaa Sheegay In Aa n Ciidanku Denbi Lahayn Isla Markaana Uu U Hayo Ixtiraam Iyo Sharaf, Balse Ay Xukuumadda Siilaanyo Si Khaldan U Adeegsato Mararka Qaarkood Oo Ay Hagar Daamooyin Ka Soo Gaadh aan Shacabka, Waxa Kale Oo Ay Isla Soo Qaadeen Arimaha Cadaalada Iyo Guddoomiyihii Hor e Ee Maxakamada Sare Ee La Eryay Yusuf Ismaaciil, Waxaanu Sheegay Gudoomiye Cirro In Aan Shacabka Somaliland Iyo Xisbiyada Mucaaradka Ahi In Ku Kal Soonayn Maxakamadaha Dalka Ilaa Maxakamad Sare



Mudaharaadiid Xisbiga WADDANI


Guddoomiye Cirro Iyo Waftigan Madaxa-Bannaan Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Arima ha Xuuqal Insaanka Somaliland Iyo Somaliya, Ayaa Ka Waraystay Guddoomiye Cirro Mudah aradadii Uu Xisbiga WADDANI Dalka Ka Dhigay Ee Uu Ku Diidanaa Mudo Kordhinta Ay Golaha Guurtidu U Samayeen Xukuumadda Wuxuuna Sheegay Guddoomiye Cirro In Dhammbaa Masu uliyiintii Gobolada Ee Xisbiga WADDANI Xabsida Loo Taxaabay In Xarunta Guud Ee Xisbig a Ci idan La Wareegeen, Isla Markaana La Xidh Xidhay Masuuliyiinta Xisbiga Ugu Sareeya Qaark ood Iyo Tageerayaashii Xisbiga Oo Iyana Xabsida Loo Taxaabay.

Guddoomiye Cirro Ayaa Waftiga Uga Waramay Xisbiga Uu Hoggaamiye WADDANI Iyo Kootoo yinka Uu Hawaanka La Siiyey Xisbiga WADDANI , Inuu Waddani Ogolyahay %20 Xukuumadda Iyo Guurtida Iyo Xildhibaanada Wakiilada La Siiyo Haweenka,Isagoo Sheegya In Xisbiga Wad dani %30 Ka Siiyey Haweenka Dhamaan Qaybaha Kala Duwan Ee Xisbiga Waddani,Wuxuna U Sheegay Waftigan In La Dhisay Garabada Haweenka Iyo Dhalinyarada Ee Xisbiga Waddani



Gebagebadii Waxay Guddoomiye Cirro Iyo Mr Bahame Tom Nyandunga Xaladaha Gobolada So ol Sanaag Iyo Arimaha Beelaha Gabooye,Kulanka Oo Ay Guddoomye Cirro Ku Wehelinayeen Xoghayaha War-Faafinta Xisbiga WADDANI Mujaahid Boobe Iyo Dr Maxamed Cismaan Fadal Ayaa Ku Soo Gebogeboo Jawi Is Afgarad.