Nuxurka Kulan Ankara Ku Dhex
Maray Guddoomiyaha UCID iyo Ninka Labaad Ee Ugu Sareeya AK Party
Ankara (TNN):-Gudoomiyaha xisbiga ucid Eng. Faysal Cali Waraabi oo uu weheliyo
Siciid Cumer Axmed oo ka tirsan gudida fulinta ee xisbigaas oo
socdaal shaqo ku joogay dalka turkiga ayaa kulan kula qaatay madaxda
sare ee xisbiga talada dalka haya ee AK Party, xarunta ay ku
leeyihiin magaalada Ankara ee cariga Turkiga.
ninka labaad ee ugu sareeya xisbigaasi Mr.Mustafa Kabakci ayay ka
wada hadleen sidii ay u yeelan lahaayeen wada shaqayn toos ah,
islamarkaana uu xisbiga AK uga caawin lahaa xisbiga cadaaladda iyo
daryeelka Somaliland xaga tobabarada gaar ahaan kobcinta doorka
siyaasadeed ee dhalinyarada iyo habeenka, waxaana halkaasi lagu
gudoonsiiyay masuuliyiinta xisbiga Ucid hadyad gaar
ah halkaasi oo loogu balan qaaday in tobabaro toos ah lasiin doono
dhalinyarada iyo haweenka ka tirsan xisbiga Ucid.
Waxa kale oo ay kulan gaar ah la qaateen gudoomiyaha garabka
dhalinyarada ee xisbiga AK Part Mr.Zafer Cubukcu, halkaasi oo uu ku
wargaliyay intirada dhalinyarada ka diwaan gashan xisbigaasi ay kor
u dhaaftay 3 milyan, iyaga oo sidoo kale kulan fool ka fool ah ay
wadaageen gudida arimaha dibedda ee xisbigaasi.
Mr.Tuba Nur Sonmer gudomiyaha gudida arimaha dibedda waxay ka wada
hadleen sidii loo kordhin lahaa deeqda waxbarasho ee la siiyo
Somaliland oo u muuqata mid looga xagliyay Somalia.
Madaxweynaha Shirkada ASE (Asia Africa Sky Express) oo ka mid ah
shirkada Ganacsiga ee dalka Turkiga Mr. Sermet Certin ayay ku marti
qaadeen Somaliland si uu u soo indha indhayo fursadaha maalgashi ee
ka jira dalka Somaliland.
S.Maazim Axmed Cawaale
Ankara/Turkey
|