Nuur Cadde oo u Tartamaya Jagadda Madaxweynimo


Raisal-wasaaraha dowlada Soomaaliya Nuur Xassan Xuseen, ayaa ku dhawaaqay inuu isu-soo taaggayo tartanka xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Nuur Cadde ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraaid oo uu ku qabtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kahor intii uusan u dhoofin Jamhuuriyadda Djibouti
Nuur Cadde, wuxuu sidoo kale shirkaasi jaraaid uga hadlay dadaalada Heshiiska Djibouti oo xusay in xukuumadiisu guulo waaweyn ka soo hoysay.

Raisalwasaaruhu wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay si weyn ugu farxeen bixitaanka ciidamada Ethiopia oo uu ku sheegay in bixitaankooda ay ka danbaysay heshiiskii Djibouti, wuxuu ugu danbeyn Shacabka Muqdisho ku booriyey inay nabadda ku dadaalaan.


Raisal-wasaare Nuur Cadde ayaa noqonaya xubinta ugu sareysa ee dowlada FKMG ka tirsan ee ku dhawaaqay inuu u taagan yahay tartanka loogu jiro Madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo dhowr xildhibaanoo ka tirsan barlamaanka KMG ee Soomaaliya ay hore u sheegeen inay ka qeybgalayaan tartankaasi.

 

 

 


Source:Hassan Kafi Qoyste
          Mogadishu , VOA