Ninkii ka hadhi lahaa iyo Ninki halgami laha ayoow Taariikhdu way hadhi wayna kala hufmaysaa
 

Ilahay ayaa mahad leh naxariisyo nabadi korkiisa ha ahaato nebi muxamed (csW)

Sida la wada ogsoon yahay waxa dalka somaliland laga filaya in ay ka  qab soonto doorashadii madaxtooyada oo loo mudeeyay 27 sep ee sanadkan aynu ku jiro.

Hadaba doorashada ayaa in mudo ah waxay u baaqatay in natiijo lagu  kal sonaan karo u soo saaro server-ka oo ah mid loogu talo galay in uu kala  s haandheeyo dadki is diwaangalinya hal mar wixii ka badan .

Hadaba waxa maanta ay koomishanku ku dhawaqeen in aan server-ku aan u ahayn mid tayo wanaagsan ama waxa ay saluug weyn ka bixiyeen  soft ware uu ku shaqaynayo serverka iyaga oo kaashanaya khuburo maraykan ah.

Hadaba sida koomishanku maanta xaqijiyeen in softwareka ku jira  server ka aanu ahayn mid laysku halayn karo oo sida uu sheegay gudoomiye jaa mac.

Akhriste , hadanba mar hadii maanta la laalay server-ki mudo 3 jeer ah dib u dhigay doorashada madaxtooyada maxa la odhan karaa baa hor taagan doorashada madaxtooyada.

Sida la wada ogsoon yahay Qadhaan bixiyayaasha inaga cawin lahaa  door ashada madaxtooyada ayaa waxay shuruud ka dhigeen in la bedelo  hoga anka koomishanka doorashooyinka gaar ahaan labada xubnood ee igu  sar eeya koomishanka :

1.Gud. Jaamac Maxamuud Cumar(Jaamac –Swden)
2.G/xigeenka Cali Maxamed Cabdalla(Cali-Biikolo)

Labadan xubnooe ee Deeq-biyayaashu ay farta ku godeen ayaa waxa soo kal magcabay madaxweyne rayaale oo hogaamiya xibul xaakimka UDUB iyo Mud.Axmed siilanyo oo hogaamiya xibiga mucaraadka ah ee KULMIYE.

Hadaba labad xubnood ayaa waxay u arkeen in mansabyaadooda lagu soo duulay waxayna xidheen difaac adag waxayna adeegsanayaan wax kasta oo ay iskaga fogaynayaan eedaha ay u soo jeedinayaan deeq bixiyayaas ha.

Khilaafka ayaa waxa uu noqanayaa mid yeelan doona 4 gees oo kulmiya xukuumada,xisbiyada mucaradka,koomishanka iyo deeqbixiyayaasha. la mana garan karo midka khaladka leh ama halka aya salaadu ka xidhmi la dahay.

Dhinaca kale xisbiga kulmiye ayaa ku doodaya in aanay awood sharci u  la hayn bedelida xubinta ay u soo magacabeen koomsihanka isla markaana  i saga riixay madaxweyne rayaale.

Madaxweyne Rayaale ayaa isna mudo dhaweyd shir jaraa'id oo uu qabtay waxa uu ku shegay in ninka madaxweyne nimo u ogaaladay aanay jirin sab ab uu ugu diido xubin koomishan isaga oo ka hadlayay soo jeedin ay soo je ediyeen xisbiyada mucaradka  oo ahayd in la bedelo ama la kaabo oo wax lagu kordhiyo xubnaha komishanka qaranka ee ka kooban 7 xubnood.

Marka laga hadlaaayo xal u helista arinkan ayaa waxay tahay mid u taala damiirka labada xubnood ee fartu ku godantay, waxana sharaf u ah in ay shaqadooda uga tanaasulaan danta caamka ah ee umada reer somaliland

Hadii taasi dhici waydo ,waa in mdaxweyne Rayaale uu arinka gudi u saaro hadii ay ku cadaato umuuraha lagu soo eedeyay labadan xubnood waa in la bedelo hadii ay ku caddaan waydona oo umuurtani tahay is fahan la'aan waa in madaweynuhu keeno xal lagu soo afjaro arinkan laguna bad baadin karo sumcada iyo karamaada jamhuuriyad somaliland.

Xaqiiqdi maaha arin si cad looga gar naqi karo ama halka ay maanta  taaga ntay si fudud looga gudbi karo marka aad eegto sida uu uga seexday ama aanay kaar ugu hayn madaxweyne Rayaale

Waxa dadka siyaasada falanqeeya farta ku fiiqayaan in arinkan uu  madax weyne Rayaale arinkani ugu qarxi doono sidii uu ugu fashilmay in uu oofiyo go'aanki ay golha guurtidu ka soo sareen shaqaaqada Ceel-bardaale taas oo inta uu dhegaha ka furaystay maalinti ugu dambaysay 30kii maalmood ee golaha guurtidi ku baqeen in lagu oofiyo go'ankooda uu madaxweynuhu dhaqdhaqaajiyay odayaal isaga oo raba in uu meesha ka saaro go'aanka golaha guurtida taasina waxay dhalisay in la laayo dad musaafiriin ah oo aan waxba galabsan.

Hadaba waxa muhiim ah in la da'dajiyo xal u helida arinkan oo hada soo  dh aaftay waqtigii laysku tuur tuuri lahaa ama isku eegista.

Waxan ku soo gebo-gebaynaya waa in Dahir Rayaale ogaada hadii wada nka doorasho ka dhici waydo 27 Sep oo ah waqtigi koomishanku cayimay in aan loogu abaal gudi dooonin mudo kordhin dambe,  golayaasha  qarank ana looga fadhiyo in ay bad badiyaan jamhuuriyada somaliland

Somaliland ha jirto ha joogto

wa bilaahi tawfiiq
 

 

 

Mohamed Hassan Xaleef
xaleev@hotmail.com