NINKA AQOONSI RABAA MARKA HORE HA AQOONSADO GURIGA JAARKIISA
 



Waxa maalmahan ina haysatay somaliland ayaa la aqoonsanayaa.dalka israa,iil ayaa aqoonsanaya.

Waxase muhimada ugu wayni ay tahay in dadku marka hore is aqoonsado ayaga laftoodu.
Mudane madaxwayne daahir riyaale ma aqoonsan yahay, hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka ee kala ah;-


Mudane xaaji axmed siilaanyo iyo mudane eng faysal cali waraabe sidoo kale kuwa  mucaar dku ma aqoonsan yihiin madaxawynaha jamhuuriyada somaliland.

Majiraa xisbi aqoonsan xisbiga kale ama u qira wanaag uu dalka u sameeyay alayle hadaan runta sheego faysal cali waraabe ayaa ah ninka kaliya ee isagu ruuxa kale u qira wanaaga uu sameeyo.

tiraba dhawr jeerna kala dhex galay muranka asxaabta kulmiye iyo udub.

Hadaba waxa haboon in marka hore inagu aynu is aqoonsano.
maalin kasta waxaynu ka hadalnaa qabyaalad iyo reer hebel ayaa xisbigaa galay.
waa xaqiiq in reer hebel inagala qiimo badan yahay dalka aynu aqoonsiga u raadinayno.
maxaynu beenta iyo huuhaada isugu waramaynaa ninkastaaba reerkiisa ayaa kala qiimo badan dalka dhan.


nin aqoonsan reerka kale ma jiro ...nin wanaag u qira nin kale ma jiro
markaa aqoonsigaad raadinaysaa muxuu yahay , hadaanad adiguba is aqoonsanayn.[QAB QAB DHAAFAY MIYAAN XAALKU AHAYN].

Runtii shacabka somaliland waa dad si fudud u qaata go,aanada iyagoon ka fikirin shaygaasi ilaa xad inteebuu wax ku tari karaa ama wax ku yeeli karaa.


1960 MARKAYNU qaadanay xornimada wax ka yar maalmo tirsan ayaynu, CALAN DHAN iyo dawlad dhan oo somaliland la yidhaa afka uga galinay reer somalia
CIDBA isma waydiiin maxaa faa,iido inoogu jira ama wax yeelo
MAANTANA waxaad moodaa in wadadii la hayo oo shacabka ay kaga dhagtay uun wax la yidhaa AQOONSI.


Aqoonsiga laftiisa oo ah mid aan ka go,nayn dhinaca SIYAASIYIINTA dalka hogaaminaaya, run ahaana laga dhigay qorshe lagu majaro habaabiyo shacabka WAX kastana lagu xidho aqoonsiga.


Wax kasta oo loo awood waayo in maamulka talada hayaa qabto waxay had iyo jeer eeda dusha ka saaraan AQOONSIGA.


AYAGOO LEH hadii layna aqoonsado waxaasi way qabsoomi lahaayeen
GABAGABDII


MA XUMA AAN AQOONSI RAADSANO. meel kasta oo aqoonsi aynu ka heli karayno waxa haboon in AYNU ALBAABKEEDA GARAACNO.


Waa halkii mudane madaxwayne riyaalee albaab kasta anigu waan garaacayaa
balse waxaa haboon inta aynaan caalamka aqoonsi waydiisan in inagu aynu is AQOONSANO OO IS ICTIRAAFNO


wabilaahi tawfiiq

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London UK