Nin Wax Rida Ma Ihiye Wax Baan Dhisaa Cid Wax Ridaysaana Iimay Iman

 

Mudanayaasha golaha Guurtida ayaa si weyn uga xumaaday guuxa iyo olole yaasha dibadda lagaga soo furey golahooda taas oo ay ku tilmaameen inaan wakhtigan xaadirka ah loo baahnayn in wax isbedel lagu sameeyo shirgudoonka iyagoo intaa ku daray in kaambaynka laga dhex aloosay golahoodu uu ka baxsan yahay hawlihii loo igmaday

dhaqdhaqaaqyada iyo ololeyaasha ka dhex oogan golaha Guurtida gudihiisa oo aanu dareemadooda wax ka waydiinay mudanayaasha Guurtida sida ay u arkaan shirarka iyo mooshinada la sheegay in lagu ridayo shirgudoonka iyo waxyaalaha ka jira korodhsiimada xukumada ayaa waxaanu ugu horeyn wax ka waydiinay gudoomiyaha guddida joogtada golaha Guurtida xaaji Cabdi Xuseen (Waraabe) oo isagu ka mida odayaasha ruug cadaaga ah ee Guurtida mar aanu wax ka waydiinay mooshinka la sheegay in shirgudoonka lagu ridayo iyo sida uu u arko isagoo xaaji Cabdi arinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ anigu nin wax rida ma ihiye, nin wax dhisaan ahay, meel wax lagu ridayana ma ogi, cid wax ridaysaana anigu iimay iman mana arag”


Md: Maxamed Maxamuud Diiriye oo isaguna dareenkiisa aanu wax ka waydiinay ayaa isaguna yidhi “ waxan u arkaa waxan golahayaga ka socda waxaan dalka iyo dadka midkoodna dan u ahayn, maxaa yeelay wakhtigan xaadirka ah oo doorashadii madaxtooyadu ay qabsoomayso 29 ka March,2009 maaha in xaalad iyo xasaasiyad golaha laga dhex abuuro”


Md:Xuseen Sahal Ciise oo aanu isagana dareenkiisa wax ka waydiinay ayaa isaguna yidhi “ golahaygu waa gole dhaqan waa golihii marjaca u ahaa qaranka arin wax lagu ridayaana ma arag haddii na loola yimaadana ma yeelayno,”


Md: Xasan Axmed Faarax oo isaguna ka hadlaya arinkaasi ayaa yidhi “ wakhtigan lagu jiro golahayagii dadku ku hiranayey in xaalada lagu soo dhextuuro wixii golahayaga loo igmaday maaha”
 





Haatuf