Nin reer Somaliland ah oo laga soo daayay xabsiga Guwaantanaamo Bay oo Hargeisa la keenay

 

Maxamed Xuseen Cabdilaahi oo ah nin reer Somaliland ah oo ku dhashay gobolka Tog-dheer oo muddo Todobo sanno ah ku xidhnaa xabsiga Guwaantanaamo Bay ayay diyaarad ay leedahay ururka bisha cas shalay ka soo dajisay maadaarka Hargeisa ninkaasi oo shalay u waramay idaacadda Afka soomaaliga ee laanta BBCda ayaa sheegay todobaddii sanno ee uu ku xidhnaa xabsigaasi in tacadiyo iyo jidh-dilba loogu gaystay islamarkaana markii hore lagu xidhay sifo sharci darro ah oo aanay jirin waxa lagu eedeeyay. Maxamed xuseen cabdilaahi waxaa ay ciidamadda maraykanku ka qabteen dalka Pakistaan wakhtigaasina ay ciidamaddu kala baxeen gurri uu degenaa waxaanu sheegay in xaaskiisii oo Bakistaaniyad ah kuna sugan magaaladda Burco in ay ciidamadda maraykanku ka qaadeen sharcigeedii iyo wixii ay lacag haysatay, waxaa uu

sheegay maxamed xuseen in nin sodog uu yahay oo la xidhnaa aanu sanadkii ugu danbeeyayba aanu wax war ah ka helin meel uu ku sugan yahay, soo dayntiisanna waxaa uu ku sheegay in ay ka danbayso ciidamadda oo ka baqaya maamulka cusub ee dalkaasi qabsan doona doorashadda todobaadkan ka dhacay dalkaasi kadib in ay la kulmaan fadeexaddo.

 

 


Waaheen