Nin Mucjiso ah oo uu ka maqan yahay Laxaadka Aragga iyo Maqalka waxna ka maqla Baabacooyika Gamcihiisa
 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Cabdi Maxamuud Aw Xasan waa Nin oo ku Nool Magaalada Wajaale ee Gobolka Gabiley ayaa ah Nin ay ka maqan yihiin  Laxa adka Araga iyo Maqalka. Waa Nin Mucjiso ah oo uu Illaahay uu Awoodiisa Maqalka uu u galiyay Gacmaha isaga oo Hadalka Dadka ka maqlaya Gacmihiisa.

Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Longlivesomaliland News ee magaalada  Waj aale C/rasaaq Muxumed Aw Daahir (C/rsiaaq Dhego) oo Ninkaasi la kulmay, waxa uu Xaaladaasi ku soo jiray tan iyo markii ay Da’diisu ahayd 7 jir.


Cabdi Maxamuud mar uu u waramayay Wariyahaga C/rasaaq Dhego oo ku  booqd ay Guriga uu dagan yahay ee Magaalada Wajaale, waxa uu yidhi :


“Aniga oo Toddoba jir ah ayay Dhaguhu I Xanuuneen. Habeen habeenada ka mid ah ayaan Seexday aniga oo Caafimaad qaba, Subaxnimadiina waxaan ku soo  too say aniga oo Dhago la’a Habeenkii Danbe markii aan Seexdayna Waxaan Soo  Too say Aniga oo indho la’a”

Cabdi Maxamuud mar uu sharxayay markii ugu horaysay ee uu Gacmaha wax ka maqlo ayaa waxa uu yidhi “ Dhawr bilood ka bacdi markii ay Masiibadani igu  dh acday ayaa maalin maalmaha ka mid ah Aniga oo hooyaday Dhabta kaga jiifa  Gac antayda Saaray Qoorteeda, Dabeed waxaan Dareemay inaan wax yar maqlayo, Afkeeda ayaan ku yar Dhaweeyay ilaa aan Caadi u wada Maqlay Codkeeda, Sida asi ayaan ku ogaaday inaan Gacmaha wax ka maqlayo”


Cabdi marka uu qofka la hadlayo waxa uu awood u leeyahay in uu Afkiisa ka hadlo hasa ahaatee, ma maqli karo Hadalka Qofka kale ilaa uu gacantiisa u dhaweeyo Qofka kale ee la Hadlaya Afkiisa.


Cabdi Maxamuud Hooyadii iyo Aabihii waa ay Geeriyoodeen, waxana imika  Nolos hiisa gacanta ku haya Nin ay Walaalo yihiin. Axmed Maxamed waa Ninka ay  Walla alaha yihiin ahna Miciinka kaliya ee uu haysto isla markaana ah Walaalka kaliya ee Imika u Nool, waxa uu inta badan gacan ku haynta Cabdi uu kala kulmaa dhibaato aad u badan oo ay ka mid tahay in aanu marnaba ka dhaqaaqi Karin xataa hadii uu damco in uu u soo shaqeeyo oo soo diyaariyo Raashinkii ay cunni lahaayeen, ama wax yar oo ay Noloshooda ku dabaraan.


Cabdi iyo Wallaalkii imika waxa ay ku Nool yihiin Guri uu ku caawiyay Nin ka mid ah Dadka Deegaanka.

Sida uu ku soo waramayo Wariyahayagu, Abihii waqti hore ayuu dhintay,  Hooya diina waxa ay dhimatay Muddo dhawayd. Sidoo kale, waxa iyaguna geeriyooday Inamo iyo Hablo ay Walaalo ahaayeen.

C/rasaaq dhego, waxa uu noo soo sheegay in Ninkaasi uu Magaalada soo dagay Muddo imika laga jooga Lix sanno. Intaa wixii ka horeeyayna uu ku Noolaa Dalka Itoobiya.

Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Wajaale gaar ahaan inta la jaarka ah ayaa inta badan u Naxariis badan iyaga oo ka caawiya wixii ay Labadaasi Ruux cunni la haayeen.


Waa mid ka mid ah Awoodaha Illaahay. Waa Arin Mucjiso ah oo Nooceeda aan ho re loogu arag Carriga Somaliland.

Ninkan ayaa ku Nool nolol aad u cidhiidhi ah una baahan Gargaar deg deg ah oo la la soo gaadho.
 




Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Longlivesomaliland News Reporter
Hargeisa/Somaliland
mccfuture@hotmail.com