Nin dantiisa gaabani wadaa, dood ma uu gayo

 



Nin xusbigiisii ka duday, xusbiyadii kalana la coloobey, oo xubno beel ka tirsan miciin moodey, alla maxaa ka siigo yar oo ka aflagaado badan. Beeshan iyo magacan uu ku rafanayaa sedexda xusbi qaranba way ka tirsan tahay. Rag kale oo han leh oo beesha ka tirsan, ayaa ku jira sedexda xusbi qaran, oo weliba isaga kaga miilcad, laakiin aan kala guris qabiil, gardarada sokeeyaha gees biciid u lahayn, gudaha bee sha iyo dibadeedaba.


Sidaa daradeed, waa nin dantiisa gaabani wado oo dood ma uu gayo eh, beelaha oo dhami ha iska ilaaliyaan kuwaas oo kale oo qof weliba gaarkiisa, ha uga taliyo aayaha codkiisa iyo xusbiguu siinayo.

 


Hamud Duale