Natiijaddii Kulan Hargeysa ku dhex maray Ha’yada ICAO iyo Masuuliyiinta Wasaarada Duulista

 



 


Hargaysa (TNN):- Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ayaa maanta sheegay inaanay aqbalayn in kirada hawada dalka lagu wareejiyo maamulka da wlada Shariifka Sooaaliya.Waxay sidaasi ka sheegeen kulan ay madaarka Hargeysa kula yees heen guddi xaqiiqo raadis ah oo ka socday Hay’ada ICAO oo maamusha hawada Somaliland.

Masuuliyiinta ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ee kulan ka ka qeyb galay waxa hoggaaminayay Wasiirka Duulista Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cab di, Agaasimaha Waaxda duulista hawada ee Wasaarada duulista iyo hawada ahna ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Md Siciid Mahdi Ileeye iyo xubno kale.

ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaarada Duulista iyo Hawada Md Siciid Mahdi Ileeye ayaa warbaahinta uga waramay kulankaasi ay yeesheen masuuliyiinta ka socday hay’ada ICAO, wa xaanu sheegay in ay kulankaasi kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha hawada Somaliland oo laga xukumi jiray magaalada Nayroobi ee caasimada dalka Kenya oo la doonayo in laga soo wa reejiyo.

Md Siciid Mahdi Ileeye , waxa uu sheegay in haddii la doonayo in maamulka hawada Somaliland la doonayo in laga soo sararo Nayroobi loo soo wareejiyo Somaliland si ay Somaliland qaybta hawadeeda u maamulato, balse aanay Somaliland marnaba aqbali doonin in meel kale la hoos geeyo oo laga maamulo.

“Guddidan xaqiiqo raadiska ah ee ka socday ICAO ee aanu maanta (shalay) la kulanay waxaan u ka wada hadalnay arrimo la xidhiidha hawada Somaliland, waxaanan u xaqiijinay haddii aanu nahay Somaliland in aanu nahay wasaarada duulista keliya ee maamul Somaliland iyo Soomaa liya meel kastaba ha noqotee ka dhisan in uu yahya kaayagan, sidaas darteed anagu haddii xukunka loo daynayo in laga xukumo meel kale sidii markii horeba lagu heshiiyay heshiiskii Nayr oobi lagu gaadhay ee ahaa in ay ICAO maamusho hawada Somaliland waanu ogolnahay, laakiin marnaba ma ogolin anagu saaqad qudha in maamulka hawadayada loo raro Muqdisho, taasi w aa ma dhacdo, guddidana waanu u cadaynay in aanaan ogolayn in marnaba hawadayada laga xukumo Muqdisho oo ay dawlada TFG-du na xukunto.” Ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda duulista hawada ee Wasaarada duulista iyo hawada ahna ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradaa si.


Source: Somaliland.Org