Natiijada Guud ee G/Togdheer oo lagu dhawaaqay

 

Masuuliyiinta Komishanka Qaranka ayaa ku dhawaaqay Natiijada Rasmiga ah ee dadka iska diwaangaliyay

G/togdheer ay Tiradoodu tahay 321-Kun oo qof.Islamrkaana ay si rasmi ah u soo gabagawday hawlihii diwaangalinta ee ka socotay Gobolka.

Waxa masuuliyiinta komishanku intaas ku dareen in si nabadgelyo ah ay ku dhamaatay hawlihii diwaangalinta ee Togdheer.

Goobaha diwaangalinta ee gobolka Togdheer ayaa ahaa 196,halka gudaha Burco ka ahayd 48-goobood,Odweyne –46-Goobood.

Magaalada Burco ayaa waxa iska diwaangaliayay 123-Kun oo qof,halka Oodweyne—58,341Kun oo qof.
Buuhoodle-15-kun oo qof.

Sidoo kale waxa hawlgalinta ka socotay G/Togdheer ka hawlgalay shaqaale gaadhaya 2000-kun oo qof,iyo 200 Baabuur.


Gobolka togdheer ayaa noqon doona kii afraad ee diwaagalinti ka dhacdo gobolada Somaliland.
 

 


Kayse Axmed Digaale

Kdigale@Yahoo.com
Burco