Nabigeena Mohamed Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee ayaa asxaabtiisii weydiiyey waxay adduunka ugu jecel yihiin

 


Nabigeena Mohamed Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee ayaa maalin la fariistay asxaabtiisii ilaahay ha kaa raali noqdee markaasuu weydiiyey isagoo ka bilaabayaa Abu Bakar : Maxaad Adduunka ugu jeceshahay??

Abu Bakar wuxu yiri: Adduunka waxaan ugu jeclahay 3 arimood. 1- in aan hortaada fariisto. 2- In aan ku eeggo adiga. 3- iyo in aan xoolahayga kugu kharash gareeyo adiga.
Nabigu wuxu hadana yiri: Cumarow Adna maxaad aduunka ugu jeceshahay??
Cumar Binu Khadaab wuxuu yiri: Aduunka waxaan ugu jeclahay 3 Arimood: 1- in aan dadka wanaaga faro haba ahaado si hoose. 2- in aan dadka xumaanta ka reebo haba ahaato si dadkoo dhan arkayaan, 3- iyo in aan Hadalka runta (Xaqqa) ahna sheego haba ahaado mid Kharaar.

Nabigu wuxu hadana yiri: Cusmaan binu cafaanow Adna Maxaad Adduunka ugu jeceshahay???
Cusmaan wuxu yiri: Adduunka waxaan u jeclahay 3 Arimood: 1- in aan dadka gaajaysan cunno siiyo. 2- in aan salaanta faafiyo. 3- iyo in aan tukado salaatu layl marka ay dadku hurdaaaan.


Nabigu yiri: Caliyow binu abi dhaalibow adna maxaad Adduunka ugu jeceshahay??
Cali wuxu yiri: Adduunka waxaan ugu jeclahay 3 arimood: 1- in aan martida si fiican u sooro. 2- In aan soomo Xilliga Xaggaaga ah oo ay Qoraxdu Kulushahay. 3- iyo in aan gaalada la dhaco seef ilaahay dartiis.

Nabigu wuxu weydiiyey Abu dari al-qafaari: adna maxaad Adduunka ugu jeceshahay??

Abu dari wuxu yiri: Aduunka waxaan u jeclahay 3 Arimood: 1- Gaajo. 2- Xanuun (jiro). 3- iyo geeri (dhimasho) !!!!

Nabiga ayaa sii waydiiyey oo yiri: sabab? maxaad u jeclaatay 3daas arimood??
Abu dari wuxu mar kale ku jawaabay: Gaajada waxaan u jeclaaday si qalbigayga uu u jilco. xanuunkana waxaan u jeclaaday si danbigayga uu u yaraaddo. dhimashadana waxaan u jeclaaday si aan ilaahay ula kulmo.

Markaas ayuu Nabigu yirii: anigana Aduunkiina waxa lay jeclaysiiyey 3 arimood: 1- Uduga (in aan mar walba udgoon iga soo uro). 2- Dumarka ( in aan guursado). 3- meesha aan ku ilqabawsadana waxa la iiga dhigay SALAADA.

markaas ayuu Jibriil samada kasoo dagay oo salaamay Nabigii iyo Asxaabtii wuxuna ku yiri: aniga Aduunka waxan ugu jeclahay 3 arimood. 1- in aan risaalada iyo kitaabka ilaahay idin soo gaarsiiyo. 2- in aan Guto amaanadda la igu aaminay. 3- iyo Jaceylka dadka Masaakiinta ah.

Jibriil Samada ayuu koray hadana mar labaad ayuu soo laabtay wuxuna yiri mar kale: ilaahay ayaa idin soo salaamayey wuxuna ilaahay yiri: Adduunkiina waxaan ugu jeclahay 3 arimood. 1- Carab ilaahay xusa mar walba. 2- Qalbi ilaahay ka Baqqa. 3- iyo Qofka (jirka) u Sabra Dhibaatooyinka iyo Imtixaanaadka Adduunka ku qabsada.

SUBXAANALAAAAAAAH SUBXAANALAAAAAAAH SUBXAANALAAAAAAAH SUBXAANALAAAAAAAH


Adigoo Mahadsan walaalkay/ walaashay u gudbi fariintaan walaalahaaga muslimiinta ah:

XIKMADD: waliga ha ka dhigin kuwa ku eegaya kan ugu jilicsan/ sahlan ilaaahayga ku abuurtay!!!! لا تجعلوا الله ‏أهون الناظرين اليكم
 

 

 

Jamaal Hassan Mohamed
Puntland,Somalia
jamaalxm@gmail.com