Nabadi
Caano Macaan, reer Puntlandoow!: Qisadii
Aar-Libaax iyo dacawga.
Waxa la yidhi libaax ''Aar'' ayaa beri meel ku noolaan
jiray, mudo markuu halkaa ka dinaaxina yay ee uu kolba
tog iyo tuur guure iyo kalahe ku gaalaabixiyay, ee uu
barqada xaadhin Galbe edka uu ka ilo-xidhay hurdada kaga
boganayay, casarkana tu kale oo bari uu ka qormaystay
ugaadhsiga laamadoodka ku gaabsan jiray, ayaa waxa meel
cidhif ah oo ku dhaw gayiga uu xaydaantay libaaxu shaw,
isaga oo baxsad ah isna god ka qotay dacaw yar oo ka soo
duday reerkoodii. Dacawga iyo Libaaxa mid kastaaba sida
aad adba akhristoow qiyaasi karto waxa uu u nool yahay,
qaabka abuuristiisu tahay oo waa laba noole oo wax
kulmin karaaba yar yah ay, Waayo, wax ma wada
ugaadhsadaan, Geed ama god hoy u ah ma wadaagaan, tartan
jaad ka uu doonaba ha lahaadee kama dhaxeeyo oo waxbaba
iskuma qordiyaan. Waaba Libaax oo boqorka xawayaanka ah
iyo dacaw...! Sidaasise waa marka ay arintu sida
hagaagsan tahay, waana sida caqliga saliimka ah ee
garashada fayoowbi bariisatay ina siinayo, waana sida uu
Libaaxu ''aarku'' isagu qabo ama uu xaalka u fahansan
yahay. Jabse waxa uu ka dhacayaa da cawga yar ee godka
ka qotay meel halkeer ah oo uu libaaxu marka uu
ugaadhsiga ama sahan ka u socdo sii maro, oo isaga ay
talodau ugu muuqato in libaaxu xad gudub ku hayo oo uu
gor gortan iyo qalo korodhay ku yahay. Cadaawad qaad
dacawgii aan looba ogayn oo col u hiins ee libaaxa.
Maxaase uu sameeyay dacawgii?
Inta uu Libaaxu xarbiga ugu jiro sugida iyo xasilanta
dhulkan ee uu ka hiryo libaaxyada kale ee dhigiisa ah,
ama habar dugaaga kale ee ay ka mid yihiin waraabaha,
shabeelka, harimacad ka iwm, ee uu ogolaysiinayo kuwaasi
inay aqoonsadaan in arladan nin nin ahi ka taliyo, ayuu
magcii b'a dacawguna waxa uu isna u waydaartii libaaxu
xaadhintii uu deganaa, oo uu soo qa saa, hanbyo ka
cunyaa, masalaha ka nijaaseeyaa oo ka digeeyaa, dhogor
dacaw marmariyaa oo gidaarada isku xoqyaa, wuu ku soo
fidhaa! Oo waxba itaalkiisa ulama hadho inuu dhibaate
eyo Aarka libaax!
Libaaxii ayaa goor danbe isaga oo soo daalay oo nasiimo
u baahan soo guryo noqda, waxase uu soo galaa dhabintii
uu dhinaca dhigi jiray iyo xadradii uu ku khalaawayn
jiray oo looga dan beeyay! Wuu yaabaa oo uu is waydiiyaa
waar waxa meeshan kaaga danbeeyay waa maxay? Meelahaasuu
raad iyo wax ka eegaa, waxbase wuu ka waayaa. Urtuna
waxa ay noqotaa mid ka duwan kuwii uu yaqaanay ee ay is
hororsan jireen, waa Libaaxyadii iyo habar-dugaagii wa
a-waynaaye. Dabadeed Libaaxii waxa uu ka fikiray waxa uu
ku samayn lahaa waxan aanu ga ranayn iyo, talaabada ku
haboon ee uu arintan ka qaadi lahaa, markuu Aarkii
xaajadii mudo rogrogay waxa uu is tusay inaanu raadinta
iyo baadi goobka shayga guriga ka qasay waqti iskaga
qaadin, waayo, baylaho kale oo ka qaro wayn ayaa
qabyoobaya, waxase uu go'aansa day inuu diginiin culus u
diro bahalkan daba-waydaaradka yaqaan.
Libaaxii waraaq wayn ayuu soo qaaday oo uu dusheedana
khad cas ku xardhay erayadan'' Wax-yahaw nabadi Caano
Macaan''. Waxba ilaahay kagaama duxin dacawga ayaa la
yidhi digniintii Libaaxa ee uu mar iyo lababa Khadka Cas
ugu qoray. Waana dacaw arin xun iyo caad adiise waa uu
iska sii watay fad-qalalayntii uu xaadhinta iyo xerada
libaaxa ku hayay, ee uu jiifka iyo raaxada uga ba'ayay.
Ugu danbayntii markay xishood la'aantii dacawgu joogsan
wa yday waxa ay xaajadii ka fursan wayday, in libaaxii
qorshe dego uu dacawga ku malgayo. Waana uu kaga
Takhulasay........Halkaasaana uu Libaaxii Jabaq la' i.
jiifka dheeraystay.
Waxan hadaba sheekadan uga socdaa, Somaliland qajeelay
far-waawayn iyo dhawaaq dheer ba ugu baaqday maamulka
gar-maqaataha ah ee docda bari ee Soomaaliya ''
majeerteeniya'' ku yaal inay cago-dhigtaan, oo ay docda,
qolqolka iyo duleedka Somaliland ka xasarad laada ane,
mar hadii waxba kaga duuli waayeen ahbinta iyo
samo-doonista reer Somaliland doona yaan, malaha falaga
iyo faalku waxay sheegayaan min Qabqable ahi inuu soo
baxay! Oo aan ujeedo, waa in lagu dhaqaaqaa '' Plan-B''.
F.G: Bil wax ka yar ayaa ka
soo wareegay markay doontii shidaalka ahayd ee reer
Somaliland bada Cas ka afduubtee shuftada majeerteeniya,
ee weliba lacag baad ah iyo cumaamado lagaga soo daayay,
maantana waa tan.Bal adba aakhristoo u faali oo xidig
kastana u eegoo, Car ka gee min Qab-qable ahi inuu
xaajadan u soo baxay.
'' Ha jirto
Somaliland
oo Ha Joogto''
|