"Nabadgelyo Xumada Wallaahi Bilaahi Ka Wada Ee U Khuurinaya Inay Wuxuun Dhacaan Ee Reerkiisii Iyo Wixii Qiime Lahaa Ee Ka Yaalay Dibada U Diray Waa Rayaale"

"
Cawil Waa Ninka Qoyska Madaxweyne Rayaale Baray Musuq Maasuqa" Ismaaciil Yare

Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Somaliland Md Ismaaciil Aadan Cismaan [Ismaaciil Yare] oo ka tirsan xubnihii xisbiga UDUB ee laga reebay shirweynihii labaad ee xisbigaasi ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa wuxuu Labada Gole ee Baarlamaanka ugu baaqay inay xilka ka xayuubiyaan Madaxweyne Rayaale, oo uu sheegay inuu si qayrul sharci ah ku fadhiyo kursiga.

Ismaaciil Aadan Cismaan wuxuu shirkaasi si kulul ugu naqdiyay Komishanka doorashooyinka, Haayada Inter-peace iyo xukuumada Somaliland, isagoo shirkaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi "Haddii aan Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Haayada Inter Peace waa komishan Qaran oo kale oo ka sareeyaba Komishankeena, Inter Peace ma aha shirkadii yaraa ee qandaraaska lagu siiyay hawlaha aynu doorashooyinka ku gelayno inay inoo fuliyaan ee EU-du soo siisay, intii u dambeysay ayaan soo qaadanayaa Komishanku Qaranku hawshii ay galeen ee kirada waxa dhacday marka horeba hawshii ay galayeen ee diiwaangelinta ku sheegeen inay u galeen si qayrul sharci ah oo ay ugu tallo galeen in lixda gobol ee walaalaha ah ee wada dhashay ee Somaliland la iska horkeeno oo la muransiiyo."


Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Somaliland wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Rayaale inuu raali ka ahaa in dadweynaha lagu wareeriyo hawshii diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaanu yidhi "Hawsha qaska Rayaale wuu la waday komishanka waayo waa nin mar walba aan ku tallo gashanayn in doorasho dhacdo, dadku inay is diiwaangeliyaan dad xukuumada ka tirsan ayaa diidanaa, diiwaangelinta marka horeba Rayaale diyaar umuu ahayn maalin kale ayaan halkan ka sheegi doonaa waxa weeye qorshe lala galay ayuu marka horeba ku ogolaaday diiwaan gelinta. Waxaa taas idiin caddaynaysa markii ay arrinta ku noq-noqoshada diiwaan gelinta ee foosha xumi dhacday komishanku waxay saddexda xisbi qaran kula heshiiyeen, Inter Peace oo komishanka koowaad ah oo ka sii sareysaana goob joog ayay ahaayeen waxa la yidhi sadexda xisbi in mid waliba saddexda xisbi uu soo dirto laba nin oo mid wakiil ah iyo mid farsamo yaqaan ah oo hawlaha Server-ka ka sheeqeeya si ay goob joog uga ahaadaan marka macluumaadkii diiwaan gelinta Server-ka lagu shubayo, heshiiskii lagu heshiiyay ee lala galay Komishinka iyo Haayadan yar ee ka sii saraysa ee Rayaale u shaqeysa, waxa nasiib darro noqotay oo aad garan kartaa in meesha guruub ka mid ah Komishinka, Rayaale iyo Inter Peace ay isku xidhan yihiin oo ay yihiin Barmuudadii wax liqaysay heshiiskii noocaas ahaa ee la galay iyadoo saddexdii xisbi qaran aan midna loo yeedhin, ayuu ninkii komishanka masuulka uga ahaa diiwaangelinta oo la yidhaahdo Ismaaciil, oo la ii sheegay in xilkii laga qaaday lagamana qaadine meeshii wuu joogaa komishankii ee hawshii loo diray ayuun buu dhammeeyay."

Ismaaciil oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi "In lagu tallo galay in qaskii iyo dhibaatadii socoto sidii ay ugu tallo galeen Rayaale iyo ninka Sammora la yidhaahdo ee Inter Peace wakiilka u ah oo ah mid u shaqeeya Rayaale."

Ismaaciil Aadan wuxuu sheegay in aanay doorashadu ku qabsoomayn wakhtiga cusub ee komishanka doorashooyinku dib ugu riixay ee 31 bisha May, isla markaana aanay xisbiyada mucaaridka ah waxba meesha u oolin.

Wasiirkii hore daakhiligu wuxuu sheegay in ninka Madaxweynaha Somaliland jarka ka tuurayaa uu yahay Wasiirkiisa maaliyada, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi "Cawil laba waxyaabood oo qudha ayuu u hayaa, wuxuu ku yidhaahdaa Isaaq anigaa aqaana sida loola macaamilo been buu kuu sheegayaa ee walaahi inaanu aqoon ee wuu iska hadlayaa, ma aha tii Siyaad Barre ee uu u shaqayn jiray ee uu dadka sanaaduuqda ugu guri jiray, isagaa sanduuq halkan lagaga ridi doonaa, ta labaad ee uu yaqaanaa oo uu ku yidhi anigaa lacag kuu samaynaya, dharaar dhawayd wuxuu yidhi Cawil Anigu Kenya waxba kuma lihi oo waan bakhtiyayaa Riyaalena waxba kuma laha. Afar Guri ayuu Kenya ku leeyahay Cawil kaligii, Todoba baabuur oo VolVe-na wuu ku leeyahay ninkaasi Jabuutina Kambani ayuu ku leeyahay uu 350 kun oo dollar oo saami ah ku leeyahay, Rayaale Ta uu Kenya uga furay Saxaafada dambe ayaan uga sheegayaa Rayaale aqal kuma laha laakiin wuxuu ku leeyahay waan ogahay."

Eng Ismaaciil Aadan Cismaan, wuxuu sheegay Wasiirka Maaliyada cilmigiisu uu gudhay oo uu ku xidhan yahay kii 1960-kii berigii la xidhay ee uu isagu inqilaabkii ka dhuuntay, waxaanu yidhi "Cawil-na cilmigiisu waa kii gudhay oo uu ku xidhan yahay kii 1960-kii berigii la xidhay ee uu isagu inqilaabkii ka baxsaday, dadku waxay moodaan inuu inqilaab dhigayay wuu ka baxsaday isaga oo baxsad ah oo dhuumanaya ayaa la qabtay intii heshiiskii la galay kuwii fashiliyay ayuu ahaa inqilaabkaasi. Cawil-na waa ninka Rayaale iyo Qoyskiisa musuqmaasuqa baray."

Wasiirkii hore wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Rayaale inaanu dhammaan heshiisyadii uu galay aanu hor keenin Baarlamaanka, waxaanu yidhi "Sharciyan wixii uu saxeexay heshiisyadii caalamiga ahaa wax ka jiraa ma jiraan, waan arkayay qolooyin gaalo ah oo carcarayay, waar waxaan shirkadaha caalamiga ah u sheegayaa wixii aad la gashaan Rayaale wax allaale iyo wax ka jiraa ma jiraan. Todobadaa sanadood kuwii uu la galayna heshiis qudha baarlamaanka muu horgeyn."

Md. Ismaaciil Aadan wuxuu labada gole ee baarlamaanka Somaliland Wakiilada iyo Guurtida u soo jeediyay inay xilka ka xayuubiyaan Madaxweyne Rayaale oo uu ku eedeeyay xil gudasho la’aan.


"Nabadgelyo xumada Wallaahi bilaahi ka wada ee u khuurinaya inay wuxuun dhacaan ee reerkiisii iyo wixii qiime lahaa ee ka yaalay dibada u diray waa Rayaale, maanta waa maalintii aynu halganka ku jirnay oo kale Rayaale wuxuu doonayaa inuu shacbiga Somaliland iska hor keeno oo uu mar walba shan qof TV-yada soo fadhiisiyo, Shacbiga waxaan leeyahay Rayaale Waa Dhurwaaye yur dhaha,"ayuu yidhi Ismaaciil Aadan Cismaan.

Md. Axmed Sandoon Xasan oo ka mid ahaa murashixiintii doonayay inay Rayaale kula dhex tartamaan xisbiga dhexdiisa ee laga hor istaagay inay shirweynahii labaad ka qeyb galaan ayaa hadal uu shirkaasi ka jeediyay ku sheegay in ay dhammaatay mudadii xil haynta xukuumada Somaliland ee tallada dalka haysa, waxaanu Labada gole ee baarlamaanka ugu baaqay inay isu yimaadaan oo ka tallo bixiyaan xaalada adag ee dalku galay ka dib dib u dhicii doorashada madaxtooyada oo hore loogu cayimay inay qabsoonto 29-ka bishan March.

Axmed Sandoon wuxuu sheegay in aanu garanayn waxa ay xukuumada Somaliland ku diidan tahay in labada gole ee baarlamaanku isku yimaadaan oo ay ka arrinsadaan xaalada wadanka.


Xasan Jaamac, oo ka mid ah qurba jooga xisbiga UDUB oo ka hadlay shirkaasi ayaa Madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay inuu is casilo waxaanu ku eedeeyay inuu jabiyay dastuurkii dalka iyo xeerkii xisbigiisa ee lagu dhaariyay.


Shirkaasi waxa goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada kaga jira xisbiga UDUB iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha dhexe iyo Guddida fulinta.
 

 




Ramaasnews