Naadiga akhriska Timacadde oo Soo Bandhigay Buuga Guri waa haween ee uu Qoray Maxamed Baashe.

 


Buugaasi oo ay Soo akhriday isla markaasina soo bandhigtay Naciima Yuusuf Cilmi oo ah Xubin ka tirsan Naadiga Akhriska Timacadde.. Daawo Sawiradda


Gabiley (TNN)-Naadiga Akhriska Timacadde ayaa Xalay soo bandhigay Buugoodii lixaad oo ahaa  Buu gii “Guri waa haween” oo uu Qoray Qoraaga reer somaliland ee Maxamed Baashe X.Xasan, kaasi oo Lagu Soo Bandhigay Hotel Askar ee Magaalada Gabiley.


Bandhiga Buugaasi oo ay ka soo Qayb galeen, Ururada Haweenka ee Gobolka Gabiley, Wasiiru  Dawli hii hore ee Hawlaha Guud iyo Guryaynta, Abwaano Da,yar ah, Ardayda Jaamacada Timacadde iyo M arti Sharaf kale oo Tiro badan.

Buugaasi oo ay Soo akhriday isla markaasina soo bandhigtay Naciima Yuusuf Cilmi oo ah Xubin ka  tir san Naadiga Akhriska Timacadde ayaa ahaa mid Xiiso gaar ah ulahaa Bulshada ku Dhaqan Gabiley  g aar ahaana Haweenka oo si aad u balaadhan uga soo qayb galay bandhigaasi.

Gudoomiyaha Naadiga Akhriska timacadde Mahadi Sheekh Cabdi Axmed oo furitaankii Xafladaasi ka hadlay ayaa waxaa ka warmay Aasaaskii Naadiga Timacadde iyo Geedi socodkii uu soo maray  naadi gu, isaga oo xusay Aasaaska naadiga ay keentay baahi ka muuqatay Akhriska dhalinyaradda  Gobol ka, Mahdi sheikh waxa uu Dardaaran dheer u soo jeediyay Dhalinyaradda Gobolka oo uu kula  darda armay inay Aqoontooda Dhisaan, wax Akhriyaan, isla markaana Soo bandhigi karaan buugaag  bulsh ada faa,iido u leh.

Gudoomiye Mahdi Waxa kale oo uu Ganacsatada iyo Maamulka Gobolka Gabiley u soo jeediyay inay Taageeraan Barnaamijyada Horumarka leh ee Dhalinyaraddu ka Fuliso Gabiley, kuwaasi oo wax wayn ka tari doona horumarka Dhalinyaradda Aqoontaba.

Naciima yuusuf oo ah gabadh aad u Da,yar oo xalay Madasha marti looga ahaa ayaa ugu horayn  wa xay soo bandhigtay taariikh nololeedka Qoraaga Buuga MAXAMED BAASHE X. XASAN oo ay  sheegt ay in uu dhashay sanadkii 1963kii kuna dhashay magaalda bali dhiig halkaas oo waxbarshadiisi hoose ka bilaabay qoraagu waxbarashadiisii sarena ku dhamaystay magaalda hargaysa sandkii 1982kii  wa xa uu waxbarashadiisii jamaacadeed ku dhamaystay dalka Charles university prague ee dalka csech republic sanadkii 1992 isaga oo ka  qaatay jamaacada digriiga master of joursalim and mass  comi n acation.

Buuga Guri waa haween oo ka waramaya Kartida haweenka somalida Waxa uu qoraagu u hibaynyaa dhamaan haweenka soomalida guud ahaantood, gaar ahaana waxa uu ku maamusayaa hooyadii  faa dumo odowaa cawil iyo eedadii aamino shiino, dhamaan hablahooga iyo xaaskiis saciido saleebaan si ciid.

Naciima Yuusuf Cilmi waxa ay u kala qaaday buuga Guri waa habeen afar qaybood oo ka hadlay  mah adhooyinka iyo taariikhada haweenka soomaaliyeed kuwaas oo anay ka madhnayn waxyaabaha u gaarka ah haweenka sida halhaysyada iyo hawlaha ay kaga duwan yihiin raga somalida.

Naciima waxa ay si qoto dheer u sharaxday heerarka koritaanka inanta somaliyeed, dhismaha  Aqal ka somaliga,khibradaha Aqoonta durugsan ee Haweenka, astaamaha cadaynaya kartida haweenka, mahadhooyinka haweenka somaliyeed, iyo Qodobo kale oo xiiso badan oo u gaar ah haweenka  som alida, kuwaasi oo ay usoo qaadatay tusaaleyaal Farabadan, iyo maansooyin uu Qoraagu ku soo  qaa tay buugiisa.

Bandhiga buuga ka bacdi waxaa hadal kooban ka jeediyay Madasha Wasiir ku Xigeenkii hore ee  Haw laha Guud iyo Guryaynta Shucayb Maxamed Muuse oo aad ugu dheeraaday Mahadnaqa Naadiga  ak hriska timacadde iyo Gabadha da,da yar ee soo bandhigtay buugaasi qiimaha badan ee ka hadlaya Kartida haweenka somalida.


Mudane Shucayb waxa uu ka waramay kaalinta haweenkii hore kaga jireen bulshada iyo Qoyskaba, waxa kale oo aad ugu dheeraaday xuquuqda ilaahay siiyay Dumarka isaga oo tusaale u soo qaatay suuradii quraanka ahayd ee (Suuratu Nisaa) oo ka waramaysa Xaqa haweenku leeyihiin.

Hooyo Rooda C/qaadir Aw Cali oo ah Macalimad Madaarista Quraanka wax ka dhigta ayaa  faahfaa hin ka bixisay islaamka iyo akhriska, waxaanay sheegtay Aayadii ugu horaysay ee illaahay soo  daji yo inay ahayd, mid lagu Amrayo Nabi Muxumad C.S.W in uu wax akhriyo, isla markaana waxay aad uga warantahay islaaamku inuu dhiiri galinayo Aqoonta, waxaanay Dardaaran u soo jeedisay  hawe enka somalidu oo ay kula dardaarantay in aqoontooda korodhsadaan, barashadda diinta islaamkana ahmiyad gaar ah siiyaan.

Waxa kale oo iyana haddalo Dardaaran iyo Amaanba isugu jira madashada ka soo jeedisay Hooyo Maryan Xaddi, oo ka warbixiyay kaalinta haweenku kaga jiraan bulshada somalida, iyada oo aad ugu mahadnaqay Naadiga akhriska timacadde kaalinta ay kaga jiraan wacy galinta iyo kor uqaadida Aqoonta Gobolka Gabiley. 

Gabo gababadii Munaasibadaasi waxaa su,aalo tiro badan laga waydiiyay Naciima yuusuf Cilmi Buuga ay soo akhriday ee Gurri waa haween, kuwaasi u badnaa Xuquuqda dumarka, waxaanay  dhamaant ood uga jawaabtay si faahfaasan.


Madasha buuga lagu soo bandhigayay Buuga ayaa qiimo gaar ah u lahayd Haweenkii tirada badanaa ee ka soo qayb galay xafladaasi iyo sidii qiimaha lahayd ee Naciima u soo bandhigtay kartida  hawee

nka somalida.

Mustafe Abdikariin Ali
(Mustafe Future)
TRC Cordinator
Gabiley/somaliland
timacaddereaders@hotmail.com