Naadiga Akhriska Timacadde: Bandhigii Buuga Gobannimo Bilaash Maaha iyo Gorfayntii Pro.Axmed Cali kaahin.

 


Buugan oo uu Soo Akhriyay isla markaana Soo Bandhigay Xidhiidhiyaha Naadiga Akhriska  Timacad de
Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future) ayaa... Daawo Sawiradda

Gabiley (TNN)-Bandhig Balaadhan oo Xalay loo Sameeyay Buuga Gobannimo Bilaash maaha, oo  aha a Buugii shanaad ee ay soo bandhigaan Naadiga Akhriska Timacadde ayaa lagu soo Bandhigay  Hot el Askar ee magaalada Gabiley.

Xaflada Bandhiga Buugan oo Si heer sare ah loo soo Agaasimay Waxaa ka soo Qayb galay, Wasiiru Dawlaha Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Mudane Shucayb Maxamed Muuse, La Taliyaha  S harciga Golaha Wakiilada Pro.Axmed Cali Kaahin, Maayarka Gabiley Aadan Muxumed Badde, Gudoo miyaha Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi, Gudoomiye ku xigeenka Ururka hidaha iyo Dhaqanka Murtimaal Sahra Maxamed Cali,Dhalinyaro Aad u tiro Badan iyo Marti sharaf kale.

Buugan oo uu Soo Akhriyay isla markaana Soo Bandhigay Xidhiidhiyaha Naadiga Akhriska  Timaca dde Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future) ayaa Ugu horayn Waxaa halkaasi hadal kooban ka  jee disay Jamiila Maxamed oo ku hadlaysay Afka Naadiga Akhriska Timacadde waxaanay tilmaantay  T alaabooyinkii Horumarineed ee naadigu gaadhay intii uu jiray, iyo sida dhalinta Gobolku ugu  baraa rugeen Kaalinta hawsha ay hayaan, waxay kula dardaarantay Dhalinta Somaliland, inay sii  kordhiy aan Dadaalkooda sidii umada loogu dhiiri gelin lahaa akhriska iyo Qoraalka.

Wasiiru Dawlaha Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Mudane Shucayb Maxamed Muuse oo  ha lkaasi ka haday ayaa waxa uu ku dheeraaday Kaalinta wax akhriska iyo qoritaanku kaga  jirto,dhis maha umadaha,sidoo kale waxa uu Faahfaahin ka bixiyay sida islaamku u dhiiri geliyay akhriska iyo in quraankii ugu horeeyay ee Nabigeenna (CSW) lagu soo dejiyay ay ahayd aayad lagu farayo inuu wax akhriyo, Wasiiru dawluhu waxa uu hadalkiisa ku soo gunaaday in Naadigu Dadaal muujiyeen hawshana iskaa wax u qabso ay ku wadaan

Wasiirku waxa uu Xusay in uu Xubin ka yahay Naadiga Akhriska ee Timacadde isla markaana looga Baahanyahay Maamulka iyo Ganacstaduba inay ka qayb qaataan Barnaajimyada horumarineed ee Naadigu ka fuliyo Gobolka Gabiley.

Maayarka Gobolka Gebiley Aadan Muxumed Badde oo isaguna madashaasi ka hadlay, ayaa waxa uu ku amaanay Naadiga Akhriska Timacadde dadaalka ay ugu jiraan Korinta akhriska iyo qoraalka, waxa kale oo uu tilmaamay sida uu ugu farxay Magaca Buuggan Naadigu soo xuleen, isaga oo  sh eegay inuu wato Magac qaaliya oo ka waramaya Gobannimadu waxa ay tahay, dhalintuna ay  tah ay inay fahmaan turaanturooyinkii loo soo maray Gobannimada Dalkan, si aan loo dhayalsan  qiim aha wadakan loo soo maray.

Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi, oo isaguna  mada shaasi ka hadlay ayaa waxa tilmaamay inay dhinacooda diyaar u yihiin soo bandhigidda Buugta ay u arkaan inay dhalinta faa,iido u leedahay Waxaanu Xusay in Naadiga Akhriska Timacadde Kaalin wayn kaga jiraan Horumarka Gobolka Gabiley.


Sahra Maxamed Cali waxa kale oo sheegtay in Salaan uga sido Naadiga Akhriska Halkaraan  Burco isla markaana waxay ku dhiiri galisay Dhalinyarada Gabiley in Wax akhriyaan, kana Qayb qaataan Barnaamijyada kor loogu qaadayo Akhriska dhalinyaradda.

Sahra Maxamed Cali Waxa ay Naadiga Gudoonsiiyay Buugga “Sidee Ubad loo Korshaa” oo uu Qoray C/shakuur Cali Saleebaan, oo ah Buug Cusub oo aan Wali la daahfurin Balse uu laba koobi ugu dee qay Qooraagu Naadiyada Akhriska Gabiley iyo Burco.
 
Intaa ka dib xidhiidhiya Naadiga Mustafe C/kariin Cali ayaa guda galay Bandhiga Buugg Gobannimo bilaash maaha, Waxaanu si qoto dheer uga hadlay Macnaha Gobannimada, heerarka Gobannimo Doonka , Waxa uu soo qaatay Maansooyin ka hadlaya Gobonimadda iyo qiimaha ay leedahay.
 
Buugan oo si qoto dheer uga waramayay Gobonimada iyo Dastuurka jamhuuriyada Somaliland oo uu Qoray Pro.Jaamac Muuse Jaamac ayaa waxaa Gogol dhigiisa lahaa Gudoomiyaha Golaha  Wakii lada C/raxman Cirro. waana buuggii ku guulaystay "Buugga Sannadka 2007" waxaana uu  tilmaa may in buugu ka hadlayo dhuuxa hoose iyo macnaha waafiga ah ee gobannimada, waana farriin uu qoraagu u dirayo dhallinyarada.

Bandhiga Buuggan oo La isku Arkay ayaa waxa Gorfayn waafiya ku sameeyay Prof:- Axmed Cali Kaahin, oo ah La taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiilada JSL, waxa uu aad ugu dheeraaday Sharaxa Qodobka 32, ee Dastuurka Somaliland oo Qoraagu Hal ku dheg uga dhigay,Buugiisa, waxa uu aad ugu dheeraaday sida qoraagu ugu nuux nuuxsaday, xoriyatul qawlka, waxa uu isbarbar dhig ku  sa meeyay Diinta islaamku sida ay u tix geliso, Xoriyatul qawlka, iyo sida Qoraagu Buugiisa ugu  dhig ay.
 
Ugu Danbayntii waxaa su,aalo ku Saabsan Buuga iyo qaar ku Saabsan Sharciga laga Waydiiyay Xi dhiidhiyaha Naadiga Mustafe Future iyo Pro.Axmed Cali Kaahin, Waxaanay dhamaantood si waafiya ugu jawaabeen Su,aalihii la waydiiyay.
 
Naadiga Akhriska Timacadde ayaa Waxay Qorayaasha ay Buugaagtooda soo xushaan dhiiri galin ahaan u Gudoonsiiyaan Shahaado Sharafyo Muujinaya Waxa ay Bulshada uqabteen, Pro.Jaamac muuse jaamacna Waxa uu ka mid ahaa Dadkii Ganacta iyo Fikirkaba ka gaystay hirgalinta iyo Aasaaska Naadiga Akhriska Timacadde sidaa Awgeed Waxay Shahaado Sharaf Gudoonsiiyeen Qoraaga Buuga Jaamac Muuse Jaamac oo ka maqan Dalka balse uu ugudoomay C/raxmaan Buuni.


Naciima Yuusuf Cilmi
Timacadde Readers Club
Gabiley/Somaliland
timacaddereaders@hotmail.com