"M/weyne Ku Xigeenka Qabyaaladiisu Waa Mid Dheddiga, Waxa anu Ahaa Ninkii Sanaaduuqdii Doorashada Ee Lughaya Tunka Ku Qaatay, Manaanu Filayn In Xukuumadu Garab Siiso"

 



Hargeysa (TNN):- Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ah xildhibaanka kaliya ee beesha Saylac ee gobolka Selel ugu jira golaha Wakiilada Somaliland ayaa madaxweyne ku xig eenka Soma liland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ku eedeeyay inuu yahay nin qabya aladiisu taag an tahay heer qoys oo hoose, waxaanu tilmaamay inaanu jirin wax xidhiidh ah oo ka dhexe eya beesha Saylac.

Md Cali Aareeye waxa kale oo uu ku eedeeyay in madaxweyne ku xigeenku ahaa ninkii tunka ku qa atay sanaaduuqdii codbixinta doorashadii golayaasha deegaanka ee la geeyay degmada Lughaya.

Xildhibaan Aareeye oo shalay Haatuf ugu waramay xarunta golahooda wakiilada, isla markaana faahfaahin ka bixiyay mawqifka beeshoodu ka taagan tahay madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in beeshoodu aanay marnaba ka tagaynin mabda’a Somaliland-nimada.

Md Aareeye isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Bani’aadamku qabyaalada wuu wada leeyahay, balse dadkeena markaad eegtana ninkastaaba waa qabiili, qabyaaladu waa laba nooc qaybaaladu midna waa tu Lab midna waa tu Dheddig.

Hadaba ninkaa madaxweyne ku xigeenka ah qaybyaaladiisu waa mid Dheddig oo reerkiisa hoose laftiisa yar uun uu eegayo, waana ninkii sanaaduuqdii codbixinta ee doorashadii golayaasha deega anka ee la geeyay Lughaya waa kii tunka ku qaatay.

Ninkaa madaxweyne ku xigeenka ahna annaga wax naga dhexeeyaa haba yaraatee ma jirto, maxa a yeelay dhinac buu u ciiray oo nin qoys buu noqday qabiil wuu ka tagay oo nin qoys iyo far yar oo hoose ayuu noqday, mananaan filayn in dawlada Somaliland ay isaga garab siinayso. Samirku waa sirta Islaamka anaga Somaliland ka taga baa la leeyahay anaguse Somaliland ka tagi mayno anagaa u hadhayna”.

 



Source: Haatuf