Madaxweynaha ku
xigeenka oo shir jaraaid qabtay shacbiga somalilandna ugu
baaqay inay ka qeyb qaataan taakulada abaaraha Soomaaliya
Hargeysa,14 August 2011 2011 (TNN)-“Waxaanu shirkan jaraa’id u
qabanay anagoo ka adkaysan kari waynay dhibaatada ummada
Soomaaliyeed ku haysata koonfur ee dabiiciga ah, taasi oo ay u dheer
tahay tahay gacmahooda ku kas badeen ama dadka isku haya maamulka
ama xukunada So omaaliya ay sii xumaysay arrinta macaluusha iyo
abaaraha, anagoo taa u adkaysan kari waynay, anagoo og umada
Somaliyeed in ay tahay ummad islaam ah, ummada Soomaaliyeed oo
jiidhku isugu keen yaalo, waxaanu garanay ama dareenay ama aanu
go’aan ku qaadanay in aan ka qayb qaadano wixii itaal ka yaga ah in
taakulaynta umada macaluushu ku habsatay wixii itaal keena ah aan ku
taakulayno haddii aan reer Somaliland nahay.
Sidaad la socotaan waxaanu u xil saarnay ama aanu samaynay guddi
heer wasiiro ah oo farsamo ahaan ka soo talo bixisa sida ugu haboon
ee aan ku taakulayn karno ama aan wax ugu qaban kar no ummadaa
Soomaaliyeed, waxaa kale oo aan hore u sheegnay ummadaha caalamka ee
taakula da u fidinaya umada Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku habsatay
in ay u furan tahay marinka dekade ena Berbera, wixii fududayn ahna
aanu diyaar u nahay in aanu samayno,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku
xigeenku.
Waxaan halkan baaq culus uga jeedinaya ummada reer Somaliland guddo
iyo dibadba in ay walaal ahooda dhibaatadu ku habsatay aanay gacmaha
ka laaban ee uu nin walba wixii uu ku tari karo a duun iyo arin uu
ku taro oo arintaasina ay maanta tahay mid siyaasad ka madax banaan,
oo mid bini aadanimo ah, waxaan ka codsanaynaa ummada reer
Somaliland, haddii aanu xukuumada Somaliland nahay waxaanu ugu
baaqaynaa in ay meelkasta oo ay joogaan wixii lagu taakulaynayo
ummadaa Soomaaliyeed ee macaluushhu ku habsatay in aanay gacmaha ka
laaban meel ay joogaanba.
Anaguna xukuumad ahaan sidaan
horeba u sheegay waxaanu diyaar u nahay wixii itaalkeena ah,
xukuumad iyo shacbiba in aanu ku caawino dadkaasi ay macaluusha iyo
abaaruhu ku habsadeen, iyadoo ay jirto duruuf wadan walba guddihiisa
ah, wadan walba dhibaatadiisa iyo duruuftiisu way jirtaa, inaga
qudheena abaaruhu dalkeena way jiraan meelo badan oo goboladeena ka
mid ah aba artu way ka jirtaa laakiin halka ay maanta gaadhay
abaarta iyo macaluusha Soomaaliya maynaan gaadhin, iyadoo ay teenu
inoo gaar tahay oo awalba aynu isku tashan jirnay oo aynu kaga soo
ba xnay biyo dhaamiskii iyo dhibaatadii ka dhacday roob la’aantii
jiilaalkii aynu kaga soo baxnay inag oo isku tashanay runtii la
inagu amaanay sida aynu u maamulanay inagu oo maamul wanaaga iyo
kala danbaynta maanta ka jirta Somaliland ay wax badan oo ay
dhibaatada abaartu sii xumaan lahayd ay wax ka tartay runtiina
caalamku inagu amaanay, wixii inoo gaar ah waa inoo gaar laakiin
kama adkaysan karno dhibaatada ka jirta Somaliya ee wixii aynu ka
tari karno in aynu ka tarno ay aynu u soo diyaar garawnay taasaanan
ummada reer Somaliland guddo iyo dibadba meel ay jooga anba aanu ugu
baaqaynaa in aanay gacmaha ka laaban”.
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland
|