Madaxweyne garanay adiga Inay dantu kuugu jirto dibudhaca doorashada waxa aadno she egtaa shacabkana maxay dantu ugu jirtaa?

 


Madaxweyne garanay adiga Inay dantu kuugu jirto dibudhaca doorashada waxa aadno sheegtaa shacabkana maxay dantu ugu jirtaa?

Waxa aan marka hore salaam qiimaya iyo qaayaleh u soo gudbinayaa  maree gaha iyo wargaysyada Somaliland iyo kuga soomaliyeedba waxa ku manayaa shaqada hufan iskaa wax u qabsaa aad haysaan waxa aan aamin sanahay in ay saxafada Somaliland iyo ku Soomaliyeedba ay buuxiyeen kaalintii looga bah naa.

Akhrowtow hadii aan u dago dulucdayda manta Odhaah Soomaalida  dhexd eeda caan ka ah ayaa tidhaa “madax meel ka saraysa oo la salaaxaa majirto”, halka mid kalena tidhaa “Nin xil qaaday eed qaad

Kadib saamaxadii shacabka Jamuuriyada Somaliland u fidiyeen Madaxweyne Dahir Riyaale Kaahin 1991 waxay dhaxal siisay madaxweynimo

Imanshihii heer Madaxweyne kuxigeenimo Dahir Riyaale Kaahin


1997 bayd ahayd fadhigii kursiga madaxweyne ku xegeenimada lagu  fadhiise yey ee looga xayuubiyey (Mj abdiraxmaan Awli Tolwaa ) kadib markay wada shaqaynkari wayeen Ilahay janadii xariis hakawarabiyee Maxamed Ibraahim Cigaal kursigaa fadhiyey shansanadood iyo shanbilood shantaa sanadood iyo shantaa horumar iyo hadaltoona loogama baran waxanu kula magac baxay Daahir aamusane

Imanshihii heer Madaxwyne ee Daahir Riyaale Kahin

May 05 2002 Kadib geridii naxdinta iyo anfariirk lahayd Ilahay janadii naxariis haka warabiyee Maxamed Ibraahim Cigaal culumo iyo caamaba Golayaasha Somaliland kadib markii laysu tagay lagoostay lajabiyo Dastuurka Jamuuriyada Somaliland isagana ladoortay halsano kumayl gaadha dalkana gaadhsiiyo Doorasho.

April 14 2003 Sideetan cod oo mug farabadani ku jiro kuguulaystay xilkana loogu dhaariyey shansano horleh looguna sheegay in ay kaga eegtahay 14 April 2008 dalkana uu ku gaadhsiiyo doorasho xalaala.

Nasiib wanaag taasi maydhicin waxay noqotay shan sano Somaliland aan meela ugu tirsanayn horumar la,aan doorsho la,aan badalkeeduna yahay xadhig iyo caga juglayn hadii ay tahy xaxaafada iyo siyaasiyiintaba 14 April 2008 ayey loojabiyey dastuurkii laguna daray halsano jeebkiisaa ahna siijoog marlabaad 14 April 2009 ayaa ku dhamaday shacabka Jamuuriyada Somaliland dushooda oo aan doorash lahayn jabin danbe ayaa hadana lagu riixay

27 September 2009 taas oo sansanteedu tahay in ay marlabaad ku  dul  dha maato shacabka Jamuuriyada Somaliland oo an hayn habayaratee saxan saxo doorasho .

Hadaba 12 sanadood oo madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin uu talada  Jamu uriyada Somaliland uu gacanta ku hayo maxayn odhan lahayn hadii ilahay laga baqayo waa madaxweyne fashilmay kuna hungoobay raadinta  hogaam inta umad u ooman horumar iyo hanaan dowladeed kana qatan kamid  noqo sho bulsho waynta caalamka hamuuna u qaba hogaan ka reeban xatooyo iyo horumar la,aan ayku soo jireen 100 sano ee u danbeeyey hogaan xumaaday iyo nasiib hungoobay

dalkasta oo jira, dhan walba oo laga eegaba waxa mar walba masuuliyadeeda iska leh madaxda dalka ee loo igmaday in ay u hagaamiyaan dal bulshadiisa ku sun tatahay horumar iyo cadaalad sinaan maamul wanaag

Muwaadin kastaa xakh ayii u leyahay in hogaamiyo dalkiisa waxasa kala  sara yaa ay tahay awood khaadka kartiyed qofnimo u leyahay haday tahay  kuhaf ashda siyaasadeed amaku guulaystaha siyasada dalkiisa yadoo lo egayo  hab dhaqaaleedka iyo habmaamulka wanaaga

Jamuuriyada Somaliland maxay u bahan tahay ?

Umad u baahan hogaan u haga midnoqoshada xubin buuxda umada bahowday caalamka laguna qiimeeyo waxqabsiga ay layimadeen madama ay taasi u tahay halbeega jiidashada indha caalamka ugu doodi lahayeen dal hurumar samaynaya kana qarsoon indhaha caalamka madama ay aduun yadu ku qiimayso dalkasta waxqabsigiisa iyo horumarka samaynayo taasi waxa ay sahlaysa indhaha caalamka inaga xidhan in soo jaystaan inoona doodaan

Tusaale

PRESIDENT BARACK OBAMA maxu Keniya u tagiwayey ee Ghana u tagay ?

Kala duwanashaha hanaanka geedi socodka maamul wanaaga ayuu kaladoortay una kala fadilaylabada dal mudnanta u kala siiyey halka Keniya oo u kasoojedana u diiday Ghana oo una kasoodeedina u tagay.



Gunaanad iyo talo

Somalidu waxa ay ku maah mad daa in aad kuftaa ceeb mahaa halkii adku  kuf tay sii fadhibaa ceeba

Madaxwayne Dahir Riyaale Kaahin madamu uu soo maray taariikhdaa aan ka soo sheekaynay waa in uu fahmaa in uu ku fashilmay hogankii dalka marka dhafsan in umadiisii waxaas oo abaala u gashay katuurin meel lagadhayn una baneyaa kursiga si ay cidkale ugu doortaan

Shacabka Somaliland Sooyaalkaa taarikheed ee aad soo marten ilaa 150 sano ee lasoo dhafay wax aan ciil iyo qoomamo aan ahayn kama haysaan ilahay waxa aan iniika baryayaa in markaliya uu farash qayrqaba inii furo idinkuna bal markaliya taladiina cida aad u dhiibanasaan ka fiirsada

Dantiina ka hormariya ta siyaasiga ilaa lixdankii bohosha idunka ridaayey ee idunkaga tagayey horu marka iyo hayaanka ubadkiina qarniga soo socda ka fakara ceela haku ridina u badkiina ad dhabarka ku sidaan geedi bilaa sahana ha rarina

Umad maskaxiyan iyo maadiyan iyo caafimaadiyan u fayoow in ladhiso kuna fadhida ilmi iyo aqoon heer kasta ha gadhsisnatee kana fayow qabiil iyo mandooriye

Danta umadu waxa ku jirtaa in loo sameeyo haygal dowladeed oo ka caagan musuq maasuq xatooyo handiyeen mid dhuleeed iyo mid dhaqaale barnaamij 10 -20 sanadood habdhaqaaleed iyo siyasadeed oo ku jaan go an hab  nolole edka ka jira gayiga jamuuriyada Somaliland heer waxbarasho isku xidhan ilaa hoose ilaa heer jaamacadeed cadaalad haayado garsoor oo ka caagan  tuug ada iyo xaaraanta kuna qotoma diinta islaamka iyo cilmiga islaamka golo shacab barlamaan oo ku dhisan hab cilmiyeed aqoon kana madax banan qabiil iyo reer kooxaysi dibudhis dhuleed ilaa heerwado ilaa heer xarumo wax barasho iyo goobo dhakhaatiireed .

Wa Bilaahi Tawfiiq

 


Saleeban Siciid Kabadhe (Danjire)
Coventry, West-Midlands, UK.
danjiree@gmail.com