Muxuu gaarriye ka yidhi muranka miisaanka maansada?

Doodda Miisaanku waxay kululaatay amaba si wanaagsan u soo ifbaxday markii uu Carraale siiyey shabakadda Wardheer waraysi uu ku sheegay in uu isagu yahay ninkii u horreeyey ee helay Miisaanka Maansada. Haddaba, Gaarriye oo isagu intii dooddaasi Internet-ka ka socotay aan ka qayb qaadan, ayaa markii u horreysay ka hadlay 22kii August 2008 wakhtigaas oo uu khudbad ka jeedinayey Bandhiggii Caalamiga ahaa ee Buugaagta. Waxan ka mid ahaa dadkii dhagaysanayey. Waxanan jeclaystay in aan idinla wadaago qoraal kooban oo aan ka sameeyey hadalkiisii si ciddii dambe ee dooddaas ka qayb qaadanaysaana ay u ogaato waxa uu Gaarriyena qabo.

Gaarriye wuxu hadalkiisii ku bilaabay kelmadahan kaftanka ah. “Intiina isticmaasha internet-ku waxad beryahan akhrisanayseen doodo ka socday website-yada, taas oo lagaga doodayey aniga iyo Carraale ka hor helay Miisaanka Maansada. Intiina aan “dot com-ka” isticmaalina waan ka tacsiyeynayaa, waayo waxa la isku dubanayaa xidigaha”. Kaftankaas kadib hadalkiisii buu guda galay “Waxan jeclaan lahaa doodahaas intiina ka qayb qaadanaysaa in aydaan kala taageerin laba nin oo midna Gaarriye la yidhaa midna Carraale. Waayo, doodda ayaa idinka xumaanaysa oo shakhsi jeclaysi bay idinla galaysaa. Waxa habboon in aad akhridaan oo ka bogataan waxa aan anigu umadda hor keenay iyo waxa uu Carraale keenay, kadibna aragtidiinu ay halkaas ka duusho. Waxan halkan idiinka caddeynayaa in aan anigu ahay ninkii u horreeyey ee helay Miisaanka Maansada Soomaalida. Markhaatigeedii oo aan muran lahayna waan idiin hayaa oo waxan bishii January ee 1976kii ku daabacay Xiddigtii Oktoobar. Beenaale markhaatigiisa ayuu Baydhabo geeyaaye, waa kaa Boobe ina hor fadhiya. Isagaa ka marag ah. Isaga ayaana ka mid ah dadkii igu dhiiri galiyey in aan ku soo ban dhigo Xiddigtii Octobar. Taariikhdu waa sidaas mana aha in la is daba mariyo. Dhawr qodob baana muhiim ah in aad ogaataan:


In aan lagu muransanayn in aan anigu ahay ninkii u horreeyey ee Miisaanka Maansada Soomaalida oo qoraal daabacan ah umadda hor keena In aniga iyo Carraale labadayada miisaan ay kala duwan yihiin, idinka ayaanan idiin daynayaa in aad soo saartaan ka asalka ah.

Gaarriye hadalkiisa wuxu ku naqdiyey dooddii Carraale wuxuna yidhi “Carraale wuxu Miisaankiisa ku soo qoray Xiddigtii Oktoobar 1978kii. Waa laba sanno kadib markii aan anigu soo ban dhigay. Qoraalkiisii wakhtigaas kuma uu sheegin in uu yahay ninkii u horreeyey ee helay Miisaanka Maansada, anigana iguma uu soo hadal qaadin.

Sannadahan u dambeeyey ayuun baan maqlayaa sheegashadaas. Anigu cimrigayga intiisii u badnayd waxan ku qaatay suugaanta, soddonkii sanno ee u dambeeyey arsaaqad aan iyada ahayn maan cunin. Carraale intee in leeg buu suugaanta ku dhex jiray. Miisaanka Maansadu ma waxyi ku soo dagay buu ahaa? Ma wax sidii shilka uu ula kulmay buu ahaa?” Gaarriye wuxu tusaale u soo qaatay kooxda kubadda cagta ciyaarta wuxuna yidhi “Miyaad aragteen nin aan weligii kubad laagin oo inta uu garoonkii ugu weynaa soo galay aayar uun goolkii ugu quruxda badnaa dhaliyey? Anigu Miisaankii aan berigaas sameeyey dhaliilo wuu lahaa. Waanan aqoonsan nahay. Laakiin tadawur badan baan ku sameeyey oo cilmi-baadhis ku saabsan arrimo waaweyn oo miisaanka ah iyo daah-fur hor leh ayaan London ku soo ban dhigayaa Oktoobar 2008. Carraale isaguna wuxuu ku kordhiyey wixii uu berigaa qoray ha keeno.

Gaarriye wuxu hadalkiisii ku soo gunaanaday in uu diyaar u yahay aadna u rabo in isaga iyo Carraale madal la isku soo hor fadhiisiyo. “Walaalkay Carraalow waxan ku leeyahay Afrika way kugu fog tahaye London isugu keen keen bisha Oktoobar. Weliba tigidhka aad ku imanaysona aniga ayaa kuu soo diraya. Dhammaan caddeymahaagana soo ururso”. Gaarriye wuxu ka codsaday warbaahintii halkaas ku sugnayd in ay hadalkiisa qoraan oo baahiyaan. BBC-da iyo warbaahinta kalena wuxu ka codsaday in marka isaga iyo Carraale la isa soo hor fadhiisiyo ay barnaamijkaas si toos umadda ugu baahiyaan.

Markii uu Gaarriye khudbadda ka baxay waxa mikrifoonkii qabsaday Jaamac Muuse Jaamac. Wuxuna halkaas ka sheegay in uu jeclaan lahaa in uu Carraalena madashan joogi lahaa si uu dooddiisa u dhiibto. Jaamac wuxu sheegay in hadalka Gaarriye uu yahay mid isaga loo tix raacayo balse aan Redsea-online loo nisbaynayn.


Afeef: Hadalkii Gaarriye intan kuma dhamma. Isaga oo dhammeystiran oo maqal iyo muuqaalba ah waxa duubay Redsea-online.com
 

 


Mustafe Maxamed Khayre

khaire1@yahoo.com