Muxuu Daaranaa Shirkii Maanta Uga Furmay Burco Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Ee Wada Magaalada Burco?

 

Waxa maanta si rasmi ah uga furmey Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco Shir balaadhan oo ay fooda isku dareen in ka badan laba boqol oo Ergay oo isugu jira Aqoonyahano, Siyaasiyiin Waxgarad iyo Salaadiin ka soo kala jeeda labada beelood ee Galbeedka iyo Bariga Burco .

Shirkan oo ahaa mid mudooyinkii u dambeeyayba qaban-qaabadiisu ka socotay magaalada Burco ayaa ahaa mid fadhiya oo Qayilaad jilbaha laysu aastay, isla markaana waxa furitaankiisii ka hadlay labada Suldaan Guud ee Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco Suldaaan Cabdilaahi Suldaan Cali iyo Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar.

Waxa ugu horeyn halkaa ka hadlay Suldaan Cabdilaahi oo ahaa Suldaan gogosha dhigay waxaanu ummaddii halkaa isugu timi ugu duceeyay in ilaahay kheyrka kulansiiyo isagoo martidii halkaa timina si kal iyo laaba u soo dhaweeyay.

Waxa isna halkaas hadal kooban oo mahadnaq ka soo jeediyay Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo sheegay in uu suldaanka iyo ragga kaleba aad uga mahadnaqaayo soo dhaweynta diiran ee walaaltiminada lah ee ay u fidiyeen.

Halkaa markii ay maraysay ee uu dhamaaday hadaladii salaadiinta ayaa waxa debada looga saaray madasha shirka Saxaaafada oo ay ka cudur daarteen.

Markii shirku dhamaaday oo aanu gooni gooni ula kulanay qaar ka mid ah ergooyinkii shirkaa fadhiyay ayaa waxay sheegeen in uu shirku soo gabagaboobi doono maalinta bari isla markaana halkaa go’aan lagu qaadan doono.

Hase yeeshee ergooyinkaasi waxay Ramaasnews u sheegeen in dhinaca qolada martida loo ahaa ay hadalkoodu u badnaa in la mideeyo quwada Burco, isla markaana marka ay doorashada gaadho codka la siiyo Musharaxa dhalasho ahaan ka soo jeeda G/togdheer ee hogaamiya Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Ahmed Mohamed Mohamuud Siilaanyo .

Dalabka ay soo qadimeen waxa si gooni gooni uga jawaabay dhinacii iyana dalabka loo soo gudbiyay inkasta oo nuxurka shirku uu ahaa in la taageero haddana, si isku mid ah ayey u soo dhaweeyeen hadalada dalabkaa oo ahaa in la taageero musharaxa reer Togdheer ee doorashada u sharaxan.

Inkasta oo aan wax go’aana laga soo saarin halkaasi haddana wararka ay xog-ogaalku sheegayaan waxa uu sheegayaa in qodobo muhiim ah shirkaas laga soo saari doono maalinta berito ah.

Ugu dambeyntii taageerayaasha Xisbiga UDUB ee ku sugan Xarunta G/Togdheer ee Burco ayaa walaac ka muujiyey shirkan balaadhan ee labada beelood ee wada dhashey ee Burco ku mideynaya quwadooda shirkuna uga socda Hoteelka Caalamiga ah ee City Plaza oo ay mudooyinkii u dambeeyey ku soo biirayeen xubno waaweyn oo ka tirsan Xisbigooda UDUB.






Ramaasnews