Muusoow kaa Mari mayso!

 

 

Dhidarkii Onkodku kiciyaad tahee
Dheelalow kacaye
Dharaaraa la moogyahay
warkaa haatan kuu dhacay

Waxan aad ula yaabay, mujaahid Muuse Biixi oo maanta tacsi u diraya eheladii labadii sarkaal xaqdarrada lagu dilay- Ilaahay ha u naxariistee.
Muusoow, ragga qaarkood waa laga filayey; in ay ka aamusaan ama ay cudurdaar kale bixiyaan- sababa jira awgood! Adigase marka waxyaabo la xeeriyo, waxay ummaddu ku leedahay; ' It is too little, too late!'
Waxana la isweydiinayaa dhawrkan su'aalood:

Ma Muusahaan Muusihii hore ahayn?
Ma meel buu ku xidhnaa oo warkaba wuu moogaa?
Ma sida ragga qaarkood ayuu mashquulsanaa oo uu hablo dhisayey?
Ma muraayaddaa jabtay oo wuu muraaradilaacsanaa?
Ma...ma...ma?
Gabiley ma gidaar baa ka xiga?


Gar Alla e, aad baad u gaabisay ee dadka ka garbax!!!