Muusi Biixi oo maanta
si rasmi ah loogu wareejiyay guddoomiye-nimada xisbiga KULMIYE
Xafladani uu madaxwayne Siilaanyo ku wareejinayay xilka guddoomiye nimada xisbiga KULMIYE oo ahayd munaasibad aad u ballaadhan
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) oo ka had ka jeediyay munaasibadani uu xilka guddoomiye-nimo ku wareejinayay ayaa ugu horayn ka waramay marxaladihii doorasahda ee uu dalku ka soo gudbay,sidii wanaagsanayd ee xisbiyadii laga guulayst ay u aqbaleen. isaga oo madaxwayne siilaanyo sheegay in doorashadasi hanaankii iyo habkii ay u dhacday in ay So maliland u soo jiiday indhaha caalamka. “ dalkeenan Somaliland waxaynu soo qabsanay doorashadii madaxtooyada oo si wanaagsan inoogu dhacday,doorashadaasi oo madax dunida ka kala socotay goob-joog ka ahayd oo meel walba iskaga yimaadeen,taasi oo noqotay mid Somaliland u soo jiiday indhaha caalamka habkii iyo qaabkii ay u dhacday. Tusaale fiicana u noqotay dalal badan oo afrika iyo caalamkaba ka mid ah magic wayna inoo soo jiiday ,oo aynu rejaynayno magacaa iyo sharaftaa ay inoo soo jiiday in uu ina dhaxal siiyo oo ay soo dhawaadaan himilooyinkii aynu hiigsanaynay oo ay ka mid tahay in aynu ictiraaf helo,in dawladaha caalamku wada sahqayn inala yeeshaan,in aynu hor u mar iyo wax qabad iyo gacan qabshaba caalamka ka helo,intii doorashada ka danbaysay hay,ado badan ayaa inoo yimid sida WORLD BANK, kuwo ka tirsan UN-ka iyo dawladihii doorashada inaga caawinayayba kuwaasi oo inoo muujiyay inoona cadeeyeen in ay diyaar inoola yihiin in ay wax inala qabtaan,halkaana aan ka sii wadno” ayuu yidhi Md siilaanyo. waxa kale oo uu madaxwayne
siilaanyo ka hadlay xukuumada cusub ee uu dhawaan soo dhisay taasi
oo uu sheegay in ay tahay tii uu horeba u balanqaaday
barnaamijkiisana ku jirtay xisbiga KULMIYE in haddii uu talada ku
guulaysto uu dhisi doono dawlada kooban oo tayo leh taasina uu ka
dhabeeyay,laakiin aanya suurto gal ahayn in cid kastaa ka dhex
muuqato,isaga oo xusay in aanay golaha wasiirada uu soo dhisay ka
dhex muuqan ama ku jirin rag badan oo magac iyo sharafba ku lahaa
xisbiga KULMIYE.. Waxa isna munaasibadani khudbad ka jeediyay Muuse Biixi oo maanta lagu wareejiyay guddoomiye nimada xisbiga KULMIYE,muuse biixi isaga oo ugu horayn u mahadceliyay madaxwayne siilaanyo ka na waramay shakhsiyada iyo rug cadaanimadiisa “ waxaan maanta mar kale taariikhda ku qoray qo fka uu yahay Axmed siilaanyo,waxa laga dayan karo, iyo falsa fada uu dalka ku hogaamin karo max adwaynaha oo ah macalinkaygii halganka iyo macalinkaygii siyaasada oo maanta mar ay ka horays ay dhawr iyo labaatan sanadood isaga oo hogaaminaya xisbigii SNM guushiina magaalada Balay-gub adle si dimuqraadi ah oo aan muaran ka dhicin u wareejiyay xilkii ururka SNM kuna wareejiyay mada xwaynihii u horeeyay ee somaliland Alle hau naxariistee C/raxmaan Axmed Maxamed Cali (tuur), ta asi waxay ahayd taariikh ku cusub jabhadaha afrika,waxaanan qabaa go,aankaa maalintaa madaxw aynahan maanta joogaa qaatay in uu ahaa ka nabada Somaliland ku dhisantahay ee ay kaga duw antahay somalilda kale,maantana isaga oo ah madaxwayne-nimada muddo bil ka yar hayay uu xilkii kursiga xisbiga wareejiyo, isaga oo noqonayo madaxwaynihii u horeeyay ee afrikaan ah ee xilka xis bigiisa wareejiya isaga oo madaxwayne ah taasina waa taariikh labaad, Waxa kale oo ay taasi ina
baraysaa waa kuma Axmed Siilaanyo,muxuu u taagan yahay iyo xaguu
inoo wadaa. waxaanu balan qaadaynaa hadii aanu nahay xisbiga KULMIYE
iyo cidii uu soo tababaray ee halganka iyo siyaasadaba in aanu
noqono ardaydiiisii iyo baalashii uu ku duulayay inta uu nool yahay
ee uu xukunka hayo iyo haddii uu sii joogaba” ayuu yidhi muuse biixi.
|