Muuse Biixow Dabaasha Siyaasadda Hadii Aad Taqaano Mowjadahan Ka Dabaalo

 


Musow waxa aad dhabaha u xaadhatey oo aad dadaal badan u soo martey dariiq aad ku gaad ho kursiga siyaasadda S/land ugu sareeya, waana dariiqa ay siyaasiyiin badan oo dunida ahi u soo mareen in ay hantaan kursigaas.

Waxa aad u soo halgantay wadanka, waxa aad dhidibada la adkeysey hareertna aad la qabat ey xisbiga maanta u taladiisu ku fadhiyo madaxweynuhu adigoo naftaada u soo hurey isla mar kaana, hiil iyo hooba la garab istaagey markii SNM intoodii badneyd isugu tageen ururkii ASAD aad keligaa is garab taagtey Silaanyo, xitaa ku xigeenkaaga Mohammed kaahin u ka mid ahaa ragii idiinka horjeedey adiga iyo Silaanyo.


Haddaba, adigoo xisbiga aad gudoomiyaha ka tahey iiga war roon oo aan anigu shacabka ula simanahey baan hadana maanta u badheedheyaa in si aan qarsoodi laheyn kuugu soo gudbin eyo talooyin, anigoo ka duulaaya warbixino ku saabsan mustaqbalka xisbiga iyo hogaankiisa k uwaas oo aan ilo xogogaal ah ka soo dheegto wiig kasta, bil kasta iyo maalin kasta halka ay m areyso, waana ta keliftey in gudoomiye xisbigiisa aan uga dardaar weriyo, bishuna hortaada ayey imman, marka aad eegto xaalada runta ah, waxa xasuus iga mudan dhacdooyinkii aad ka heshiiseen madaxweynaha ee aad dulqaadka iyo samirka ka muujisey in aad maanka ku hayso ( A wise man don't sent openly away but shows a reason for it, Nin weyn tag lama yidhaahdo ee wuxu ku tago ayaa la tusaa).

Waa in si buuxda hogaanka iyo talada xisbiga faraha lagaaga qaadaa oo aad u madax banana ata.Hadii aan shirgudoonka xisbigu oo aad madax u tahey si madaxbanaan u soo xuleynin isku dhafka liiskii hore iyo ka cusub ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, KA TASHO

Hadii aad liiska ku aragto xubno cusub oo laguu tilmaami doono magacyadooda kuwaas oo had da la wad wado in loo badiyo 100kii xubnood ee madaxweynuhu codsadey loona ansaxiyey in lagu daro golaha dhexe sida laga dhegeystey telefoono lagu gudbinaayo magacyadooda, dani kuuguma jirto ee ogow, DIID OO KA TASHO in good time.

Hadii ay gaadho in cid beeshaada ka socota ay kugula tartanto xisbiga gudihiisa, hala tartamin ee u hanee kana hadh tartankaas, kuwa dabinkaa kuu dhigeyna iyakoo arkaaya codkaaga ugu daroo u hiili kaa ay wataan ee reerkiina ah, iyakana Hargeisa dhexdeeda dhirbaaxo kulul liqsi
Hadii ay kuu muuqato in xubno reerkiina ahi ay kugu la tartameyaan xisbiga gudihiisa ha yeelin, hadii aad yeeshona dibedda ku sii xalil wax badan, xisbiyada caalamkaba dibedaa lagu sii xalilaa lana sii ogaadaa cida murashaxa u ah xisbiga.

Siyaasiyiin badan oo madaxtooyada iyo xisbiga kula fadhiya ha wada aaminin, adigaa si xalaala u wada aaminey ee kuwo badan baan adiga ku aaminsaneyn waanad ogaan doontaa, horena waad u ogeyd .Wixii shaley dhacey ha moodin in ay halkii aad ku tanaasushey ku dhamaadeen.

Waqtiga la qabanaayo shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga, goobta lagu qabanaayo oo loo qorsheynaayo Burco ama Lasanod, kharshkiisa iyo soo afjaridda muranka xubnaha golaha dhe xe cidna ha u daba fadhiisan ee adoo gudoomiye ah maamul oo hadda ku dhaqaaq, hadii aad carqalado dareentona plan B waa in aad si aan hagrasho laheyn u fulisaa, hadii aanad intaas awoodina ha daalin dadkana ha daalin.

BAADIDA NINBAA KULA DAYDEYA, DAALNA KAA BADINE
OON DOONAHEYN IN AAD HESHO, DAA'IN ABIDKAAYE
DADKUNA MOODI DUUL WADA KULMIYOO, AAN WAX U DAHSOONEYNE
DALA MALAHA XISBINIMO IYO AKHIROBA HADII LOO KITAAB DEYO EH.

NIN SARBEEBEY WAX KAA QARRI, NIN KU SIREY WAX KUU SHEEG NIN WAX KU SIIYEYNA KUU FAAN.

 

 


Hassan Suleiman,
Stocholm, Sweden.