MUUSE BIIXI CABDI:
HOGAAN AAN MURAN GELI KARIN IYO KALMADO AAN LEEYAHAY
QOLADAN CAADIFADAYSAN

Marka hore waxaan Salaamayaa dhamaan Akhristayaasha
aniga oo daba socda Qoraala dii is daba jooga ahaa
ee lagaga Hadlayey Muuse Biixi, waxaan halkan ka
odhanayaa laba qodob oo aan kala odhanayo
Kooxda ka soo
horjeeda Kartida Muuse Biixi
Cabdi iyo Koox da kale ee
iyagu sheegaya waxa dhabta ee ay tahay shakhsiyada Muuse
Biixi Cabdi.
Marka u horeysa wa aayo Muuse Biixi Cabdi, waa
Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah e e
KULMIYE ,oo ah nin
dalkan u soo maray dedaal fara badan sidii uu u hano
qaadi lahaa iy o sidii ay maruun Somaliland cagaheeda ugu
istaagi lahayd, marka la eegayo Shakhsiyada Muuse waa
nin lagu tilmaamo inuu leeyahay karti Hogaamineed iyo
Balaaqo uu ILAAHEY u siiyey inuu qancin karo Bulsho dhan,
taana waxa tusaalaheeda kuugu filan Guusha uu gaa dhay
Xisbiga uu maanta Guddoomiyaha ka yahay oo ay qirayaan
dadka Somaliland meel walba oo ay joogaan in inta u
badan taageerayaasha uu aqlabiyada ku helay Xisbiga
KUL MIYE u soo hooyey Muuse Biixi, oo markii hore ahaan
Jiray Guddoomiye ku xigeenka Xisbig aasi.
Taariikhda Guddoomiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waa mid
aan la hilmaami karin oo ay qir ayaan dad badan taasi oo
lagu tilmaamo Shakhsiyadiisa inuu yahay nin Go’aan u leh
waxa uu qaadanayo oo inta badan Siyaasiyiinta Somaliland
ku adag tahay inay noqdaan rag G o’aan leh.
Haddii aan u soo daadago qodobka hore oo aan leeyahay
Kooxda ka soo horjeeda Kartida iyo Haybada uu ILAAHEY u
siiyey Muuse Biixi Hogaaminta, Qancinta iyo Hadal soo
jeedint a taariikhda gasha mar walba, waxaan leeyahay
saaxiibayaal Taariikh xumo la idiin sheeg ay yaanay idin
hodin oo aanay cuqdad aan jirin idin galin waa la
garanayaa dadka inta ba dan aaminsan inuu Muuse yahay nin
ad adag iyo nin aan lahayn karti hogaamineed, kuwa asina
waa kuwo cuqdad Magaalada ka saartay oo iyagu dantoodii
u taag la’a inay hogaa miyaan dadka Deegaankooda kuwa
dalkooda iska daayoo, waxaana daliil u ah
kartida Mu use
iyo inuu yahay nin Go’aankiisa ka meel gaadhi kara
Somaliland Taariikhdeeda laguma hayo
inuu Muuse ahaa nin
kolba meel intuu tago calooshii u shaqayste inta
taariikhdu ka luntay ee aaminsan inuu kalmad ku wax
yeelay waxaan leeyahay kalmad si khaldan loo ad eegsaday
waxba yaanay nafihiina cuqdad gelin, waxaanan idinkula
talinayaa inaanaydaa n cid wax ku yeelayn waxaad qabtaan
balse aad si fikir caafimaad qaba wax u eega oo u
tijaabiye.
Kooxda kale ee taageersan Muuse Biixi waxaan leeyahay
saaxiibayaal Baroortu orgiga ka weyn waynu ognahoo
nin
aan karti lahayn lama hadal hayo dadkan doodayaa maxay
ku ilaabeen ninkoodii Siyaasiga fudud ahaa ee intuu
cidlada cararay ku dambeeyey tolaahi yaa reer
Hargeysaay!!!!!!!!!!!!!, haddii ay cid wax u qabanayaan
ama cid wax yeelayaan waa kuwii odhan jiray
Muuse weligii urin maayo Guddoomiyenimo
,maantana waa taa Qor aalka Eebe iyo Kartidiisu gaadhsiisay.
Guntii iyo gebo gabadii waxaan idiin sheegayaa in maqaal
ay indhuhu idinku daalaan aana y waxba yeelayn qof ka soo
gudbay inuu dalka ku soo meel mariyo Soo jeed habeeno
badan waxaanay maah maah carabiyi tidhaahdaa (Qofka
sarayn doonayaa habeeno bada n ayuuu soo jeedaa), maanta
maaha Muuse nin la yidhaahdo waa halkaa uma qalmo ama ma
gaadhi karo, oo hadal la iska yidhaahdaan meel ma
gaadho, waxba yaan hadalka sii da ba dheerayn ee
saaxiibaday waxaan leeyahay
ha deg degina ee
idinka oo
aan caadifaday snayn Somaliland horumarkeeda aynu ka wada
shaqayno
|