Musuqa D/hoose ee Burco waa ( Hal Xaaraani nirig xalaala ma dhasho )


 


110 maalmood kadib markii xilka maayarnimada burco ay wareegeen koox xildhibaano lagu soo doortay doorashadii xaaraanta ahayd ee 28 november ee sanadkii galbaday dalka ka qabsoon tay waxay durba bilaabeen meelaysiga hantidii bulshada burco kudhaqan looga qaaday cashu urta, sida xildhibaanadaa qaarkood iyo madax xafiisyada dowlada hoose u sheegeen warbaahi nta madaxa banaan. maaha tani mid la fogaysto inay musuqmaasuq layimaadaan waayo ayaga laftooda ayaa kuyimi doorasho kushubasho hadhaysay ,somalidu horay uga maahmaahday ayagoo ku salaynaya dhaqankoodii reer guuraga iyo xoolo raacata ahaa, maadaama uu geelu ahaa hantida ugu miisaanka culus ee lakala qaado islamarkaana tafiirtiisu ka gudubto jiil una gudubto jiil kale ayay ku maahmaaheen murtidan tidhaa (Hal xaaraani nirig xalaala ma dhasho )hadda waxaan uga jeedaa doorashadaa xaaraanta ahayd ee boobka iyo dhaca ahayd rajo intee leeg ayaa laga qabaa inay ku soobaxaan maayar ama xildhibaano la mahadiyaa oo nabad geliya cashuurtii umada laga qaaday ee loo baahnaa in dib loogu celiyo?.

21 kan xildhibaan waxay kasoo kala jeedaa 5 urur siyaasadeed, dhamaan ururadaasi ma ahayn kuwo xada ama leexsada waraaqo codbixineed ama qalin ku khalda foomka diiwaangalinta wadarta codadka goobta balse waxaa lagaar ahaa xisbigan kulmiye iyo isbahaysigiisii,waana hubaal in xildhibaanada ay kujiraan midhadh faro kutirasa oo ka fayaw dhaq-dhaqaaqyada xoolo urursigaa.
run ahaantiina maayarka iyo intan wehelisa ee malaha aqoon hagta iyo nidaam maamul midkoo dna, waxaana caddayn kuugu filan ayagoo masuuliyiintii degmada ah gacantana ku haya cash uurtii islaamaha sariibada yaanyada la fadhiya iyo daasadaha gobka ah laga soo qaaday inay yidhaahdaan waxaanu la baxaynaa Slsh 63 000 000 oo ku mecneeyeen dejin ah,waxaa kaloo wax lalayaabo ayagoo u sareeya xafiisyo lagu qaado cashuur inay sifo baal marsan sharciga u dalbadaan cashuur dhaaf ama ay kala dhuuntaan wasaaradii maaliyada cashuurta yar ee ku waajibtay kala wareejinta gaadiidka ay shirkada ka gateen.


sidoo kale masuulka ugu sareeya dawlada hoose ee burco oo hadda ah xubnaha lala xidhiidhina yo musuqan waxa uu sanado ka hor bare ka ahaa dugsi magaalada ku yaalo kaasoo looga eryay qabyaalad iyo kala sooc uu ardaydii dugsiga ka dhex sameeyay.bal hadda u fiirso ninka ay ka badbaadi weyday ama si dhex-dhexaadnimo u hagi kari waayay ardaydii uu wax barayay sidee bay uga nabad gelisaa lacagtii umada ee ku soo xerootay xafiisyo uu maamulayo ama u gar-soorida shaqaalihiisii?.

Akhriste bal aan dib u milicsano xafladii xil wareejinta oo 20/12/12 ka dhacday hoolka shirarka ee Dawlada Hoose iyo weedhihii la is weydaarsaday duqii kahoreeyay oo leh:

“ Lacagta kaashka ah ee aan wareejinayaa waa lacag ka badan 707-milyan oo kaash ah oo Somaliland shilin ah oo kala taala baanka Hargeysa iyo ka Burco iyo $ 2840 doolar oo kaash ah ,waxaanu kale oo aan wareejinayaa wadooyin laamiyo ah oo Sideed ah ,Afar ka mid ahi dhamaadeen ,halka Afar kale-na imika gacanta lagu hayo , gaadiid tiro badan “

Duqa cusub waxa uu dadweynihii madasha fadhiyay iyo kuwii warbaahinta kala socdayba u balan qaaday sidan:
“ Maamulku waa qori isudhiib ,anaguna halkaa ay maanta taagantahay ayaanu ka sii wadaynaa hadii alle yidhaahdo .
Waxaanu kale oo aanu idiin balanqaadaynaa hantida qaranka ee ilaahay gacanta noo galiyay in ay naga nabad-gasho"

Masuulkani waxa uu xafiiska joogay 3bilood iyo 20 maalmood oo keliya haddaba maxaa iska ba dalay balan-qaadkiisaas? ma waxa uu ka hanan kari waayay naftiisa inay dib usoo ceshato lac agtii ololaha kaga baxday mise loolankan siyaasadeedba waxa uu u soo galay qorshayaal da hsoon oo aan weli soo ifbixin ama aan laga guul gaadhin.

qadarka hantida lagu wareejiyay iyo tii soo xerootayba mudada oo kooban daraadeed waa mid tirsan si fududna uu hanti dhawrka guud u baadhi karayo loona ogaan karo iyadoo laraacayo xeerarka khuseeya sida Xeerka Ka hor-tagga iyo La-dagaallanka Mus uq-maasuqa ee Xeer Lr. 38/2007, xeerka hanti dhawrka guud ee Xeer Lr. 05/98. iyo Xeerka komishanka maamul wana aga ee Xeer Lr. 58/2012.

Inkasta oo hanti-dhawrka guud sida ku cad xeerka aynu hore u soo sheegnay Lr. 05/98 uu ya hay haayad madaxbanaan hadana waxaa isweydiintu tahay ma yahay mid isagoo gudanaya waajibaadkiisa qaran baadhitaan madaxbanaan ku samayn kara ama furi kara khasnada Haay ad dawladeed oo eedaymo musuq-maasuq dulhoganayaan, mise waa mid Xukuumada dhexe oo iyadu intabadan dabada ka riixda ka sugaya wargelinteedii.

Hadiise aynu iska taagno dhinaca wanaaga waa mid si fudud u qeexi karaya xaqiiqda dhabta ah ee kajirta xafiisyada dawlada hoose ee burco, taa kasoo horjeedkeedana waa mid aan laga sugayn xukuumada inay baadhitaan amarto oo iyadu ah halka xatooyada, musuqa iyo eexda iyo lunsiga khayraadkii dalku uu ka dhaco ama ukuntu utaalo.

Gebagebadii ayadoo aanay muhim ahayn inaynu dib u raacno taariikhda shakhsi ahaaneed, golahan iyo horjoogahooduba waa inay maanka ku hayaan ama xasuusnaadaan in la xisaabtan imaanayo mar uun, waana ayaan darro in inta burco nasiib u hesho duqii lagu tuhunsanaa diin 6 maayar ee degmoogyinka heerka 1aad(A) hadana ay noqoto halkii ugu horaysay ee musuq lagu soo sheego muddo yar gudaheed.


 


S/Maxamed C/laahi Xasan

Burco,Somaliland.
Sayidmaxamed22@gmail.com