Mustashar Axmed Carwo waxuu dhambaal tacsi ah ka dirayaa geerida
Marxuum Maxamed Yoonis Cawaale
Mustashaar Axmed Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka,
waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii
iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum
Maxamed Yoonis Cawaale oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu
tahay 21/12/2017, Dalka Ingiriiska.
Marxuum Maxamed Yoonis waxuu ahaa saxiib qaali ah oo uu na
walaaleeyey mabda siyaasi ah anaga oo ilaa aasaaskii xisbiga Kulmiye
aan maalina ka nasan dhismihiisa iyo horumarkiisa duruufo kasta oo
naga soo martay. Rag xisbinimada aaminsan, oo u dhabar adeegay duufo
qalafsan oo in yari u adkeysan karto.
Alle ha u naxariistee Marxuumku waxa uu soo qabtay xilka wasiir ku
xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda Jamhuuriyadda Somaliland,
wakhtigii dawladii Madaxweyne Silaanyo, waxaanu ka mid ahaa
aas-aasayaashii xisbiga Kulmiye isagoo noqday gudoomiyihii u
horeeyay ee xisbiga Kulmiye u magacaabo UK, sidoo kale waxa uu ka
mid ahaa golihii dhexe ee xisbiga, waxaanu kasoo qayb qaatay
halgankii dib u xorreynta dalka, Marxuumku wuxuu in muddo ah u
jiifay xanuunkan uu u geeriyooday xalay. Waxa kale oo uu ahaa
guddoomiyaha Radio Horyaal, idaacaddii guusha xisbiga qaybta libaax
ka ahayd doorashadii Madaxtooyada 2010,
Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo,
qabriga u nuuro oo uu u waasiciyo, ugana dhigo beer ka mid ah kuwa
fardawsta sare. Qoyskii, eheladii, qaraabadii, xigto iyo xigaal,
asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna waafajiyo Samir
iyo duco.Aamiin
Mustashar Axmed Xasan Carwo
samotalis@gmail.com
|